Doorashada bisha soo socota ee Finland oo durba ku bilaabatay iidhehyo Islaam nacayb ah & Soomaali ka dhiidhisay

0

(Helsinki) 18 Maarso 2023 – Cod-bixiyayaasha Finnishka ayaa u dareeraya goobaha codbixinta bilowga bisha Abriil, olole aad loogu dagaallamayo oo ay ku arkayaan xisbiga Ra’iisul Wasaare Sanna Marin ee Socialdemokraterna oo tartan adag oo saddex geesood ah la gelaya xisbiga muxaafidka ah ee National Coalition Party, iyo xisbiga midigta fog ah ee populist Finns.

Toddobaadkan musharraxa xisbiga Finnishka ayaa ka kicisay xiisad ay ka qayliyeen siyaasiyiinta kale iyo codbixiyayaashu, markii ay keentay xayeysiin lagu tilmaamay mid “cunsuriyad xambaarsan”.

Laura Jokela, oo ka taagan Helsinki, ayaa sawir soo galisey akoonnada ay ku leedahay baraha bulshada, waxayna sheegtay inay sidoo kale u qaybin doonto sawirka taageerayaasheeda mustaqbalka.

Dhinaca bidix waxaa wajiga kaga qoray erayada “Waad garanaysaa sababta” oo af Finnish ah, kana sarreeya astaanta Xisbiga Finnishka.

Yeelkeede, dhinaca midig waxa sawirka wejiga qaybta niqaabka xiran ku dul qoran hal-ku-dhegga “Bariga Helsinki. Waa sida adiga oi dibedda u aadaya?”

Markii la waydiiyey Jokela waxay lasoo istaagtey dood. “Haddii qof uu dareemay in sawirku yahay cunsuri, waxay is waydiin karaan sababta ay sidaas u dareemayaan,” ayay Jokela, 31-jir ihi, u sheegtay Euronews.

“Haddii sababtu ay tahay haweeney Finnish ah oo xiran indhashareer, waxaad ka fikiri kartaa nacaybkaaga iyo cuqdadaadu, sababta ay u keentay dareen xun,” ayay tiri.

Qaar ka mid ah jawaabaha baraha bulshada ayaa taageeray boorka ololaha Jokela. “Shaqo fiican ayaad qabanaysaa,” ayuu yiri nin, halka mid kalena uu u soo bandhigay inuu sii qaybiyo waraaqahan isaga oo iyada ka wakiil ah.

Nin kale ayaa yiri “waa wax laga xishoodo in aynaan waxba ka qaban karin dembiilayaasha soogalootiga ah ee ku soo duuley Finland” iyadoo “booliisku uu awood la’aan noqday.”

Waxaase ka dhiidhiyey inta badan dadkii baraha bulshada adeegsanayey oo ay ku jiraan qaar Soomaali ah sida Suldaan Said Ahmed oo ka wakiil sh Peace Mediation in the Horn of Africa – Ulkoministeriö iyo Xabiiba Axmed oo ka tirsan Xisbiga Sooshiyaalka ee talada haya, gaar ahaan Golaha Degaanka Espoo oo dhacda galbeedka Helsinki.

Waxay sheegeen inaan la aqbali karin farriimaha nacaybka ah ee ka dhanka ah qayb ka tirsan bulshada oo ay tahay in la diido, iyagoo ku tilmaamay “dareen raadis doonaya fal-celin.”

Hadalsame Media