“Waa maalin taariikhi ah” – MW Ruushka oo mar qura lagu arkay dalka Ukraine

0

(Hadalsame) 18 Maarso 2023 – Madaxwayne Vladimir Putin ayaa u safray jasiirad u ekaha Crimea si uu u xuso sannad-guuradii 9-aad ee ka soo wareegtey markii ay la midowdey Ruushka.

Madaxa Dowladdu waxa uu Sabtidii booqday dugsi lagu barto fanka carruurta waxa uu sidoo kale booqday ‘Korsun,’ oo ah laan ka mid ah xarunta caanka ah ee carruurta ee caalamiga ah ee Artek, taas oo soo jirtey tan iyo xilligii Soofiyeedka.

Putin waxa kale oo uu kaloo soo eegay sida uu u socdo dhismaha Tauric Chersonesos Park ee taariikhiga ah misna qadiimiga ah.

Chersonesos waxa ay mar ahayd mid ay xukumayeen gumaysigii hore ee Giriigga taas oo la aasaasay ilaa 2,500 oo sano kahor iyadoo hadda ah goob Dhaxal Caalamiya ah oo u diiwaan gashan  UNESCO.

Mikhail Razvozhayev, Gudoomiyaha Sevastopol, ayaa sheegay in Maamulka magaaladu ay diyaar u yihiin inay furaan dugsigan farshaxanka Sabtigan, “wax walbana ay diyaar u ahaayeen in shir muuqaal ah” lagula yeesho Madaxwaynaha.

Yeelkeede, Putin ayaa halkaas u tegey shakhsi ahaan, ayuu yiri Guddoomiyuhu. “Sababtoo ah maalintan taariikhiga ah, Madaxwaynuhu had iyo jeer wuxuu la joogaa magaalada Sevastopol iyo dadka Sevastopol.” ayuu raaciyey.

Crimea ayaa sharciyan weli ka tirsan Ukraine waloow uu Ruushku xaf-goostay 2014-kii.

Hadalsame Media