Real Madrid & Napoli oo usoo baxay dhamaadka & Rikoodhadii ugubka ahaa ee caawa la diiwaangeliyey

0

(Hadalsame) 15 Maarso 2023 – Kooxda Real Madrid ayaa usoo baxday wareegga 8-da ee CL kaddib markii ay Liverpool ku khaarajisey 6-2 marka la isu geeyo labada kulan.

Kooxda SSC Napoli ayaa iyaduna usoo baxday wareegga 8-da CL markii ugu horreeysey taariikhdooda, kulan uu markale ka xiddigeeyey Victor Osimhen oo dhaliyey goolkiisii 22-aad ee fasalkan.

RIKOODHADA CAAWA – James Milner ayaa noqon doona ciyaaryahankii ugu da’da waynaa ee Ingariis ah (37 jir 70 jir) ee kusoo bilowda kulan UEFA Champions League ah tan iyo David Beckham bishii Abriil 2013 (37 sano jir 335 maalmood), halka caawa uu sidoo kale barbarreeyey Steven Gerrard (73) dhanka kulamada tartankan.

Isu gayn ahaan Liverpool guuldarrada 6-2 ee kasoo gaartey Real Madrid waa guuldarradii ugu cuslayd ee labada lugood ee isreebreebka UEFA Champions League.

Afar tababare oo Talyaani ah ah ayaa markii ugu horreeysey taariikhda soo gaarey 8 dhamaadka Champions League hal mar (Carlo Ancelotti, Simone Inzaghi, Stefano Pioli iyo Luciano Spalletti). Waa rikoodh.

Markii ugu horreeysey taariikhda ayay SSC Napoli SOO gaartey 8 dhamaadka Champions League/European Cup. Riyo rumowdey.

Victor Osimhen waa ciyaaryahankii ugu horreeyey ee Napoli ah ee gool ka dhaliya labadii kulan ee wareegga 16-aad ee koobka Yurub/Champions League. Lama joojiyaan.

Hadalsame Media