Maraykanka oo ay si kama’ ah uga baxsatay inuu leeyahay diyaarad ”QARSOODI” ah oo nooc cusub ah (Daawo)

0

(Hadalsame) 15 Maarso 2023 – Kuwiinna firfircoon ee Twitter-ka ku jira, way adag tahay inaad seegtaan guuxa ka jirey Oscars fiidnimadii Axaddii. Top Gun: Maverick, filimka labaad ee dakhliga ugu badan soo xareeyey 2022, waxa uu sidoo kale urursaday wadar dhan 6 Academy Award, oo ay ku jiraan Sawirka ugu Wanaagsan, Editing-ka Filimka iyo Saamaynta Muuqaalka ama Visual Effects iyo xitaa Codka ugu Wanaagsan.

Xitaa Jimmy Kimmel ayaa bandhigga ku furay qayb ka mid ah Top Gun: Maverick: isagoo kaxaynaya dayuurad F/A-18 Super Hornet ah:

Yeelkeede, u dabaaldegga guusha ayaa waxaa kasoo dhex muuqatay shirkadda wayn ee agabka ciidanka samaysa ee Lockheed Martin oo ay qaybteeda agabka casriga ah sancaysa ee Skunk Works ay soo saarayaasha ka caawisay diyaaradda mala awaalka ah ee “Darkstar” waxaana jira tweet, gaar ahaan soo jiitey dareenka dadka islamarkiiba. “Darkstar”

Barta twitter-ka, Lockheed Martin waxa ay ku qeexday diyaaraddeeda sahanka ee SR-71 Blackbird, oo awood u leh in ay ku socoto xawaare aad u sarreeya oo ah Mach 3, taasoo ay ku sheegtay inay tahay “diyaaradaha jet-ka ah midda ugu xawaare badan, kuwa la ogyahay.

QISHKA QORAALKA KU JIRA? Sida aad ka xasuusan doonto filimka, Pete “Maverick” Mitchell waxa uu dayuuradda Darkstar ee guuxeeda ka dheereeysa uu gaarsiinayaa ilaa Mach 10, taasoo ah midda loo fahmayo inay si dadban u sheegayso misna qarinayso, maadaama ay tiri ”inta la ogyahay”.

Qayb kale oo ka yara baxsan sheekadan waxay Lockhead Martin sidoo kale ku faantay in koofida duuliyeyaasha F-35 ay leedahay muuqaal cusub oo duuliyaha siinaya inuu wax ka arko arko wareeg buuxa oo ah 360 digrii.

Hadalsame Media