Gabar Soomaali ah oo Australia kula kulantay arrin ay si aad ah uga xumaatay (Daawo)

0

(Muqdisho) 15 Maarso 2023 – Haweeney Soomaali ah ayaa bulshada la wadaagtey su’aal xushmad darro ah oo uu nin ka wayni uu ka waydiiyey xirashada xijaabka xilli ay ka shaqaynaysey meelaha aquarium-ka ah ee lagu soo bandhigo kalluunka biyaha ku dhex ciyaaraya.

Gabadhan oo reer Sydney ah oo magaceeda lagu koobay Savannah ayaa sheegtay in ninku uu ku ‘dhiirradey’ inuu waydiiyo su’aal u dhacaysey ”ma waxaad u labisatey sidii penguin’ xilli ay xirnayd xijaabkeeda madowga iyo caddaanka ah Isniintii, kaasoo dabcan leh midabbada penguin-ka.

Muuqaal ay soo dhigtay baraha bulshada ayay ku tiri: “Markii uu taas igu tilmaamay, waxaan ku fikirayey miyaan u egahay Penguin?”

“Ma garanayn waxaan ku iraahdo, sidaas darteed, waxaan iska iri “haa, waxaan ahay penguin” sababtoo ah waxaan moodayey inuu kaftamayo, laakiin dhab ayay ka ahayd.” ayay raacisay.

Savannah ayaa sheegtay in ninku uu markii dambe u soo bandhigay raalli-gelin.

“Waxaan ku iri “haye, anigu ma ihi penguin, si kastaba” wuxuuna igu yiri “aad baan uga xumahay, waan garowsaday taas”, ayay raacisay, iyadoo sheegtay inay arrintu gadaal kala soo qaraaraatey oo ay aad u xanuujisay.

Hadalsame Media