Maxaa ka jira in fannaanka Ismaaciil Aar uu ku axdi furay Warda Happy? (Xog xaqiiqo ah)

0

(Hadalsame) 14 Maarso 2023 – Waxaa maalin dhowayd guursadey fannaanka Ismaaciil Aar oo ka mid ah xiddigaha ka heesa magaalada Muqdisho, kaasoo guursadey haweeney qurbaha joogta.

Waxaa deeto baraha bulshada xulay xogo sheegaya in Ismaaciil Aar uu ballan iyo axdi jacayl uga baxay fanaanadda kale ee Warda Happy oo ay muddo isku cindanaayeen.

MAXAA KA JIRA WARKAASI? Bahda Hadalsame oo arrintan u kuurgashay ayaa soo heshay xog isha koowaad ah oo arrintan ku saabsan, taasoo xaqiijinaysa in Aarka & Warda ay kala hareen 4 bilood kahor.

Sidaa darteed, ma jirto oo waa sheeko la dhisay warka sheegaya in Ismaaciil Aar uu ku axdi furay Warda Happy, maadaama aysan labada xiriir wax shuqul ah isku lahayn.

Hadalsame Media