Taangi culus oo uu Ruushku leeyahay oo mar qura la waayayo & Nooca waxa lagu dhuftay (Daawo)

0

(Hadalsame) 14 Maarso 2023 – Ciidamada Ukraine iyo Ruushka ayaa lasoo sheegayaa inuu khasaare xooggani ku kala gaarey dagaalka ka soconaya Bakhmut oo ah mid aad u qaraar.

Moscow ayaa waxa ay muddo bilo ah isku dayaysaa inay qabsato bariga Ukraine balse waxaa halkaa ku qabsaday dagaal ba’an

Waxaa haatan soo baxay muuqaalka Taangiga Ruush sameega ah ee T-90 oo isaga oo idil mar qura la waynayo kaddib markii lagu dhuftay gantaalka garabka laga tuuro ee Javelin-ka ee uu Maraykanku sameeyo.

Marka hore waxaa la arkayaa taangiga oo madfac ridaya, balse inta uu midka kale diyaarinayo ayaa waxaa mar qura la arkayaa isagii oo burburay, waxaana ay wararku sheegayaan in lagu dhuftay Javelin oo uu Maraykanku siiyey Ciidanka Ukraine.

Hadalsame Media