Laacib ka tirsan Liverpool oo garoonka ku dhex dhacay & Cabsi hareeysay ciyaartooyda (Daawo)

0

(Hadalsame) 14 Maarso 2023 – Da’yarka Liverpool ee Ben Doak ayaa dhaliyey walaac aan caadi ahayn kulankii ugu dambeeyey ee Reds ee Koobk Da’yarta UEFA Youth League kaddib markii uu ku dhex dhacay garoonka.

Doak, oo 17 jir ah, ayaa dhulka ku dhacay kaddib markii uu u boodey kubbad madax ah oo ay isku dheceen ciyaaryahan Sporting ka tirsan isagoo markii hore u muuqdey inuu cagihiisa kusii taagnaan karo balse dhacay.

Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa markiiba ku orday garoonka si ay u caawiyaan xiddiggan soo baxaya ee Liverpool iyadoo garsooraha uu joojiyey ciyaarta, waxayna la tacaalayeen ilaa 2 daqiiqadood.

Ugu dambayntii waxa uu dib ugu istaagey cagihiisa, balse markiiba waa la bedeley.

Hadalsame Media