Ronaldo oo markii 2-aad fal caro leh ku kacay muddo hal todobaad gudihii ah (Daawo)

0

(Riyaad) 14 Maarso 2023 – Cristiano Ronaldo ayaa jaaLle la qaatay qaybtii nasashada ee kulankii afar dhamaadka Al-Nassr iyo Abha ee ka tirsan koobka Boqorka Sacuudi Carabiya ee Saudi Arabian King Cup kaddib markii uu si caro leh u laaday kubadda oo uu cir-bixiyey markii uu garsooruhu seeriga qaybta hore afuufay.

Xiddiga reer Portugal ayaa kubbada soo qaatay kahor inta uusan laadin, isagoo deeto gacmaha taagtaagayey oo qaylinayey isagoo eegaya dhanka jihada garsoorka.

Ronaldo ayaa u muuqdey mid niyad jabsan isagoo aan gool ka dhalin kulankan oo ay kooxdiisu 3-1 ku adkaatay, sidii ciyaartii hore ee laga badiyey, waloow uu beryo dhexe goolal badan dhalinayey.

Cristiano Ronaldo ayaa waxaa guuldarradii ugu dambaysey ee ay Al-Nassr 1-0 uga badisay Al-Itixaad ku jees jeesay taageerayaasha kooxda Al-Itixaad habeenimadii Khamiista, kuwaasoo ku qaylinayey magaca ninka ay xafiiltamaan ee Lionel Messi, taasoo keentay inuu dhalo meesha taalley laado.

Hadalsame Media