MW Xasan Sheekh oo looga digey arrin wax u dhimaysa howl wanaagsan oo uu hayey

0

(Muqdisho) 14 Maarso 2023 – Xowli u socodkii dagaalka AS wuxuu dhisay sumcadda madaxweyne Xasan Sheikh, iyadoo dad badani aamineen in Xasan uu qorayo taariikh ku suntan “Soomaaliya oo Al Shabaab ka madaxbannaan” waa dagaal uu hiil dadweyne ku helay, oo hadda u muuqda in karkii badnaa uusan ku socon. Farsamo iyo xeelad dowlad u badi.

Hadda, dagaal kale oo sumcad dil ah ayaa Xasan lagu dhinac furay. U kala yaaca ILAHA dhaqaalaha dalka iyo hebel waa loo xiray waa dhaqan aan suuqa uga iibsami karin Madaxwayne doonaya inuu ka leexdo dariiq muddo xileedkiisii hore lagu qaanjeeroobay. Waa dagaal u baahan CODKA Madaxwaynaha oo aysan aamusnaani xal u noqon karin.

Ku mashquulka ciribtirka koox xagjir ah iyo suuradwanaajinta wixii la qarribay 5tii sano ee na dhaaftay ayaan u oggolaan inuu Xasan u dhug yeesho dhawaqa halista ku ah dhaxalreebkiisa cusub iyo hiraalka uu ka leeyahay dalka iyo dadka.

Waqti kama tegin wali, waxaana u furan hal waddo oo ah inuu danleeyda u run sheego, oo uusan iska daawan falfalxumida kooxda sumcaddiisa duullaanka ku ah.

W; D: Bashiir Maxamuud

Hadalsame Media