“Waxaan ku ooyey ninkayga!” – Priyanka Chopra oo lagu sameeyey arrin ay aad uga “xanuunsatay”

0

(Bombay) 13 Maarso 2023 – Qalanjada Bollywood ee Priyanka Chopra ayaa daaha ka qaadday sida ay uga ilmaysay kaddib markii loo sheegay in aanay ahayn ‘muunaddii cabbir ahaan loo baahnaa’.

Iyadoo ka hadlaysa SXSW, Chopra waxay sheegtay inay ku ‘ooydey’ ninkeeda Nick Jonas kaddib markay maqashay hadallo ceebayn jireed ah oo sheegaya inay cayishey.

“Waan ka xanuunsaday, waxaana kala hadlay qoyskayga, waxaana ku ooyey ninkayga [Nick Jonas], iyo kooxdayda shaqada, runtiina waxaan dareemay xumaan waayo badankeennu ma nihin oo cabirka muunadda oo ah cabbirka 2 (Size 2),’ ayay u sheegtay Jennifer Salke, madaxa Amazon Studios, sida uu qorayo People.

Aktaradda, oo 40 jir ah, ayaa sidoo kale tilmaantay sida ay u baratay inay ku tiirsanaato dadka sida dhabta ah ‘u raba inay ku arkaan farxadeeda’ marka ay wajahdo hadallo xunxun oo laga sheegay iyada iyo dadka ay jeceshahay.

“Waxaan soo maray waqtiyo laga yaabo inaan wax iri, oo deeto si khaldan loo fahmey, waxaadna arkaysaa dadka oo ku hadlaya waxyaalihii ugu foosha xumaa iyagoo aan ku ekaanayn aniga oo qura, balse gaaraya ilmahayga, xubnaha qoyskayga, oo waxaan u malaynayaa in mararka qaarkood dadku illoobayaan xitaa inaan ahay bini’aadam,” ayay raacisay.

Hadalsame Media