(Hadalsame) 13 Maarso 2023 – Dr. Alena Maze waa hooyo Ameerikaan ah.
Waxay sheegtay inay uur lahayd sanadahaan dhan sida: 2004, 2005, 2006, 2007, 2008, 2009, 2011, 2012, 2014, 2015, 2016, 2017, 2018, 2019, iyo 2021-kii.
Waxay dhashay 8 ilmo ah. Intaas ay ilmaha dhaleysayne waxbarasho Jaamacadeed ayay ku jirtay.
Maaddo sahlanna ma aysan baraneyn oo Xisaab ayay ku takhasustay, waxayna qaadatay Bachelor, Master iyo xataa Ph.D.
Ayada, ninkeeda oo Kuuriyaan ah iyo caruurteedu waxay leeyihiin kannaal Youtube ah oo ay 2 Milyan qof ka badan ay ku xiran yihiin.
Waa hooyo adag oo karti badan dhabtii.
W; D: Axmed Kediye
Hadalsame Media
Facebook Comments