Arrin murugo leh oo ku dhacday haweenay Soomaali ah oo cashar laga baran karo

0

(Hadalsame) 13 Maarso 2023 – Waxaa baraha bulshada aad looga hadal hayaa arrin naxdin leh oo ku saabsan haweenay umul raacatay kaddib markii ay muddo qaadatay in rukhsad loo helo in la qalo.

Haweenayda ayaa ninkeeda loo sheegay in sida qura ee lagu badbaadin karo iyada iyo ilmaha ay siddey uu ahaa in qalliin lagu sameeyo, balse ninkii ayaa caga jiidey oo 3 maalmood la sugayey, sida uu sheegay Macallin Kobac Fariin oo soo qoray farriin wacyigelin ah oo u dhigan sidatan:

“Alle ha u naxariisto Maama MAANDEEQ. Saakay ayey umul raacday , 3 maalin ayey ilmaha KAFKA ju jireen . Dhaqaatiirtu waxay caddeyeen in qaliin kaliya lagu badbaadin karo hooyada iyo cunageeda.

“3 maalin waxaa fasax laga sugayey seygeeda iyo waalidkeeda , nasiib xumo wey ka madax adeegeen.

“Alle ha u naxariisto maamo MAANDEEQ , waxaa sababteeda lahaa qoyskeeda. Alelahee waa Kurbo.” ayuu yiri Macallin Kobac.

Dadwaynaha oo arrintan ka fal-celinaya ayaa aad u dhaliilay talo xumada ninka iyo xitaa dhakhtarka, iyagoo soo jeediyey inay ahayd in dhakhtarku go’aan qaato, waloow ay Somalia tahay meel bilaa nidaam ah oo aanu sharcina ka degsanayn arrintan, balse loo baahan yahay in la sameeyo.

In ka badan 303 000 oo haween ah ayaa agab ama talo xumo ugu umul raacda Afrikada Saxaraha ka hooseeysa sanad kasta.

Hadalsame Media