Dagaalka Ukraine oo markale lugaha lasoo galay kooxda Chelsea (MW Ukraine oo furka xooray)

0

(London) 13 Maarso 2023 – Kooxda Chelsea ayaa waxay dib u eegis ku samaynaysaa shirkadda ay xayaysiiso ee Parimatch Tech kaddib markii ay ogaadeen in shirkadan khamaarka ka shaqyasaa ay tahay mid ka mid ah laba shirkadood oo lala xiriiriyo milkiilaha Todd Boehly uu cunaqabateeyey Madaxwaynaha Ukraine ee Volodymyr Zelensky.

Sportsmail waxa ay ogaatey in Parimatch iyo Sportradar AG ay ka mid yihiin 287 shirkadood oo ku jira liis cusub oo cunaqabatayn ah oo uu daabacay Madaxwayne Zelensky Jimcihii hore, iyada oo labadoodaba laga mamnuucay wax dhaq-dhaqaaq dhaqaale ah oo ay ka sameeyaan gudaha Ukraine 50-ka sano ee soo socda.

Parmatch waxa ay Chelsea kula jirtaa heshiis  iidheh ah oo saddex sano ah kaasoo lagu arko calaamaddooda lagu soo bandhigo nidaamka LED-ga ee Stamford Bridge, halka Boehly uu saami ku leeyahay Sportradar AG kaddib markii uu ku kharash gareeyey £120 milyan ginni saamiyo ka tirsan 18 bilood kahor.

Labadan shirkadood ayaa lagu ciqaabay inay ganacsigooda kasii wadeen Ruushka sanad kaddib duullaankii Ukraine, kaasoo Zelensky uu ku andacoonayo inuu si toos ah u caawiyey nidaamka Vladimir Putin.

“Waa in ka badan 280 shirkadood iyo 120 qof kuwaasoo, iyagoo nidaamka ganacsiga khamaarka u adeegsadey inay kasoo horjeestaan Ukraine, iyagoo lacago kala baxay dalkeenna kuna maalgeliyey Ruushka.” ayuu yiri Zelensky.

Hadalsame Media