BBC oo 72 saac kaddib is dhiibtey iyadoo ceebaysan & Lineker oo halkiisa kasii wada wixii lagu haystey

0

(London) 13 Maarso 2023 – Halyeeygii Ingiriiska ee Gary Lineker ayaa waxaa maanta oo dhan baryaysey BBC-da si uu ugusoo laabto martigelinta Barmaanijka caanka ah ee Match of the Day isagoo aan wax ciqaab ah la marin – ama aan la xannibin bartiisa Twitter-ka – kaddib markii madaxdu ay ka gaabsadeen qoraalladiisa lidka ku ahaa siyaasadda Xisbiga Muxaafidka ah ee Tory-ga, gaar ahaan midda dadka soo galootiga ah.

BBC ayaa si aan caadi ahayn isu dhiibtey 72 saacadood gudohood kaddib markii ay hawada ka saareen Lineker. Agaasimaha Guud ee BBC, Tim Davie, ayaa la sheegay inuu ku khasbanaaday inuu u hoydo ciyaaryahanka isu rogey tebiyaha, oo 62-jir ah, kaasoo hadda daadihin doona rubuc-dhamaadka FA Cup dhammaadka usbuucan.

MailOnline ayaa waxay hoosta ka xarriiqeen in raggii kale ee taageerada ay laacibkii hore u muujinayeen uga maqnaaday Barnaamijka MotD, oo ay ku jiraan xiddigihii hore ee Alan Shearer, Ian Wright iyo Mark Chapman, aysan sidoo kale wajihi doonin wax ciqaab ah oo kaga yimaada dhanka madaxda BBC, iyadoo Lineker uu uga mahadceliyey ‘hiillada ay u muujiyeen ee cajiibka ah’.

Waxa ay tani guul wayn u tahay kabtankii hore ee England, oo ah xiddigga ugu mushaarka badan shirkadda BBC oo dhan isagoo qaata £1.35 milyan ginni sanadkii, iyadoo ay BBC-du fariisisey markii xiisad dhexdhexaadnimada ku aaddani ka dhalatay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka oo uu la barbar dhigay howlgallada ay Dowladda UK ku hayso muhaajiriinta saaran doomaha yar yar wixii uu Naasigii Jarmanku sameeyey 1930-meeyadii.

Lineker waxa uu sheegay maanta in uu sugi kari la’yahay inuu dib ugu soo laabto istuudiyaha BBC dhamaadka todobaadkan, laakiin waxa uu ka dhaga adaygay joojinta dhaleecayntii uu u jeediyey Dowladda oo uu ku tilmaamay mid aan dulqaad lahayn.

Waxa uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray: “Si kasta oo ay maalmihii ugu dambeeyey u adkaayeen, si fudud lama barbar dhigi karo inaad gurigaaga uga soo cararto cadaadis ama dagaal si aad magangelyo uga raadsato dhul fog. Waase mid qalbiga diirinaysa in in badan oo idinka tirsani ay dadkaa u damqanayaan.”

Hadalsame Media