Xiriir cabsi badan oo ka dhexeeyn kara colaadda Laascaanood & Waraaqaha Talyaaniga loo nisbeeyey ee lagu faafiyey baraha bulshada (Cidda ka dambaysa +Ujeedka?)

0
Jubbaland forces carry their ammunitions during a security patrol against Islamist al Shabaab militants in Bulagaduud town, north of Kismayu, Somalia, August 17, 2015. Ahmed Madobe, a former Islamist warlord won re-election on Saturday as president of Somalia's southern region of Jubbaland, a territory partly controlled by al Shabaab militants and at odds with the central government of the Horn of Africa country. The fate of Kismayu and Jubbaland is seen as a test of the central government's skill in building a federal system and pacifying a nation fought over for more than two decades by warlords and Islamist rebels. REUTERS/Abdiqani Hassan

(Hadalsame) 14 Maarso 2023 – Dorraad baraha bulshada waxaa la gu soo firdhiyay warqado sheegaya sidii qabiilooyinkii Talyaanigu haystay matalaad u gu lahaayeen golayaasha degaanka ee magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Gaalkacyo, Beledweyn iyo Dhuusamareeb (intii aan arkay).

Warqadahaa waxaa ka muuqata matalaad aad iyo aad u ga duwan ta ay maanta qabiilooyinku magaalooyinkaa ku lee yihiin. Haddaba warqadahaa yaa faafiyay, maxay se tahay danta la ga lahaa waqtigan?

Wax aan qabaa hawshaasi in ay tahay dhagar abaabulan oo ciddii soo maleegtay u ga jeeddo kicin colaad qabyaaladeed oo baahsan. Wax aan qabaa tani in ay ku sidkan tahay, ama badhitaar u tahay, dagaalka Laascaanood ka socda iyo durbaanka isku soofaynta Daarood iyo Irir ee aynnaan ilaa imika garanayn meel la ga keenay.

Wax aan qabaa kicintan qabyaaladeed ee wajiyada badan lihi in ay ka dhalatay jabka Shabaab, iyada oo la doonayo in la helo colaad cusub oo buuxisa kaalintii ay argagixisadaasi muddada dheer haysay oo la dareemay in ay dhowaan bannaanaanayso.

Wax aan qabaa joogtaynta colaadda iyo xasillooni darrada soomaalida in sababteedu tahay khayraadka xad’dhaafka ah ee baddeeda la ga gurto iyo khayraadka bad iyo berriba leh ee la gu ilaashanayo ama la ga ilaalinayo in ay ka faa’iidaysato.

Wax aan kale oo qabaa tuhun ah in uu jiri karo qorshe ay cid awood lihi riixayso oo guud ahaanba meesha ka saaraya soomaali dawlad ah iyo dhul soomaaliyeed oo madaxbannaan.

Wax aan qabaa in ay jiraan dad waaweyn oo soomaali ah oo hawshan qayb ka mid ah loo adeegsado kuwaas oo aynnu qaarkood bilihii u dambeeyay wada arkaynnay dacaayadaha iyo abaabulka ay warbaahinta ka wadeen.

Adiga maxay ku la tahay?

W; Q: Ibraahim Hawd

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku xusan

FG: Waraaqaahaasi waa been abuur la fahmi karo sida qaabka qoraalka, in qaar Ingiriisi ku qornaayeen (gumaysigii Talyaanigu afkaas wax kuma qori jirin? iyo tixraac oo aysan lahayn.

Hadalsame Media