UEFA oo malaayiin Doollar siinaysa taageerayaasha Liverpool & Sabab la yaab leh

0

(London) 07 Maarso 2023 –  UEFA ayaa waxa ay dib lacagtoodii ugusoo celinaysaa dhamaan taageerayaasha Liverpool ee ka soo qaybgalay final-kii Champions League ee Paris sanadkii hore wax lagu tilmaamay tillaabo aan horay loo arag oo ay u badan tahay in ay ku kacdo malaayiin Euro, taasoo ah qirasho dheeri ah oo ku saabsan ilaa heerka uu khaldamay agaasinka UEFA.

Warbixinta Guddi madaxbannaan oo ay UEFA u saartay arrintan ayaa lagu soo gabagabeeyey in xasilloonida taageerayaasha Liverpool oo kaliya ay baajisay ‘musiibo dhimasho badani’ ka dhici lahayd kadddib markii UEFA lagu helay inay dhinac martay ammaankii iyo badbaadadii.

Booliiska Faransiiska ayaana u dhaqmay si aan fiicnayn markii ay sunta dadka ka ilmaysiisa ku dhex rideen dadkii badnaa iyadoo uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska ee Gerard Darmanin uu kas u kordhiyey tirooyinka taageerayaasha tikit la’aanta ahaa’ si uu u helo marmarsiiyo uu ku qariyo guuldarrooyinka kale’.

UEFA ayaa horay raalligelin uga bixisay dhacdadan waxayna ballanqaaday inay dhaqangelin doonto tillooyin hor leh, basle tani waa falkii ugu yaabka badnaa waxayna UEFA ugu kici doontaa malaayiin gini.

War qoraal ah oo ka soo baxay guddiga maamulka ayaa u dhignaa sidan: “Waxaan xisaabta ku darnay aragtiyo aad u tiro badan oo loosoo jeediyey si guud iyo si gaar ah, waxaana aaminsan nahay inaan dejiney qorshe dhamaystiran oo cadaalad ah.”

“Waxaan qiimaynaynaa tillooyinka ka imaanaya ururrada taageerada Liverpool sida FC Spirit of Shankly (SoS) iyo Liverpool Disabled Supporters Association (LDSA) iyo sidoo kale wadahadalkii furnaa islamarkaana hufnaa intii lagu jirey muddadan.”

Hadalsame Media