Sidee ayuu Soomaalida u saamayn karaa sharciga cusub ee soo galootiga UK?

0

(London) 07 Maarso 2023 –  Sharci cusub oo la horgeynayo baarlamaanka uk, Talaadada maanta ah ayaa lagu soo saari doonAa tallaabooyin adag oo cusub oo looga gol leeyahay in lagu joojiyo muhaajiriinta ku soo galaya UK doomaha yar yar.

Sharcigaan oo ay soo bandhigeyso Xoghayaha Arrimaha Gudaha dalka Ingiriiska ayaa meesha ka saaraya qof kasta oo ku soo gala UK waddo sharci darro ah.

Hindise sharciyeedkan ayaa sidoo kale ka hor istaagi doona kuwa sharci darrada ku imaanaya inay codsadaan magangalyo ama ku soo laabtaan dalka Ingiriiska mustaqbalka.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha Suella Braverman ayaa sheegtay in sharcigu uu xaddidi doono “xudduudaha sharciga ee caalamiga ah”, iyadoo sheegtay in ay jirto bahai ku saabsan sharcigaan si “loo xalliyo dhibaatadan”.

Hoggaamiyaha xisbiga shaqaalaha Sir Keir Starmer ayaa ku tilmaamay qorshayaashan kuwo aan shaqaynayn.

Raysal wasaare Rishi Sunak wuxuu sheegay in qorshahaan uu yahay mid caddaalad ah, kana mid ah shan qodob oo horey ay dowladdiisu u ballan qaadday.

Raysal wasaare Sunak wuxuu sheegay in Boqortooyada Ingiriisku ay leedahay “taariikh sharaf leh oo ku saabsan dhanka soo dhaweynta kuwa aadka ugu baahan magangalyada”. Wuxuuna intaa raaciyay in tallaabooyinka cusubi ay “xaq u leeyihiin kuwa dalka jooga iyo kuwa haysta magangalyo sharci ah”.

“Kuwa ku yimaada doomaha yaryar si toos ah ugama baxsanayaan waddan ay dagaallo aafeeyeen ama ay wajahayaan khatar nololeed,” ayuu yiri.

“Taas beddelkeeda, waxay soo mareen dalal ammaan ah oo Yurub ah ka hor intaysan ka gudbin Channel-ka. Xaqiiqda ah inay sidaas samayn karaan waa caddaalad darro kuwa halkan ku yimaada si sharci ah.”

Mrs Braverman ayaa sheegtay in iyada iyo ra’iisul wasaaruhu “ay si hagar la’aan ah uga shaqaynayeen” si loo hubiyo in sharcigu shaqeeyo

In ka badan 45,000 oo qof ayaa dalka Ingiriiska ka soo galay marinka English Channel-ka sanadkii hore, halka sanadkii 2018, ay ka soo galeen ilaa 300 oo qof taasoo keentay in cadaadis lagu saaro dowladda inay wax ka qabato arrintan.

In kasta oo sharcigan uu qaadan karo waqti haddana qof kasta oo si sharci darro ah ku soo gala UK laga bilaabo Talaadada maanta ah wuxuu halis ugu jiro in la masaafuriyo marka loo eego qodobbada sharciga

Waxaase la filayaa in culeys uu kaga yimaado dowladda heshiiska Yurub ee xuquuqul insaanka – kaas oo hadda xuquuq siinaya dadka magangalyo-doonka ee ingiriiska tagaya.

Sharcigan ayaa lagu wadaa in toddobaadkaan la horgeeyo baarlamaanka si ay u meel mariyaan isla markaana uu durba u dhaqan galo.

Sharcigaan sidee Soomaalida u saameynayaa?

Maxamed Nuur Qalimow

Qoraalka sawirka, Qalimow

Maxamed Nuur Qalimow, oo ah khabiir ka faallooda arrimahan ayaa sheegay in marka ay timaaddo saameynta sharcigaan iyo dadka soo galootiga ah ay Soomaalidu ula mid tahay dadyowga kale, isagoo intaa raaciyay in ayba yar yihiin dadka Soomaalida ah ee qaabka tahriibka ah ama doomaha yaryar ku gala isla markaana adeegsada marinka English Channel-ka.

“Soomaalidu kama duwan dadka kale, laakin Soomaalidu marka ay halkaan yimaadaan way is caawiyaan oo qaarkood dalal kale ayay sii aadaan,” ayuu yiri Qalimow.

Arrintaan ayaa la aaminsan yahay in ay niyad jabin doonto dadka hadda ku hamminaya in ay qaab tahriib ah ku galaan dalka Ingiriiska. Qalimow ayaa qaba in dadka Soomaalida ah “aysan qatar gelin naftooda, tiiyoo ay u sii dheertahay in dib loogu celin karo halkii ay ka yimaadeen ama dalalkii ay soo mareen.”

BBC

Hadalsame Media