”Halla fasaqo qandaraaskiisa!” – Taageerayaasha Man United oo weerar ku qaaday Weghorst & Waxa uu sameeyey (Daawo)

0

(Manchester) 07 Maarso 2023 – Taageerayaasha Manchester United ayaa ka caraysan islamarkaana cambaareeyey Wout Weghorst kaddib markii lasoo duubay weeraryahanka oo taabanaya calaamadda ‘This is Anfield’ ee dusmada garoonka kahor bahdilkii 7-0 ay Liverpool ku garaacday.

Taageerayaasha United aad ayay uga fog kuwo ku faraxsan xiddiggooda cusub iyagoo awalba ka murugsanaa wax noqday galab aad ugu xun kooxda Erik ten Hag, iyadoo haatan Weghorst uu dhaawacaa sii cusbeeyey.

Weeraryahanka reer Holland ayaa horay u sheegay inuu yahay taageere Reds ah tan iyo carruurnimadiisii laakiin qaar ka mid ah taageerayaasha United oo caraysan ayaa aaminsan in muuqaalka cusubi uu caddayn ku filan u yahay in qandaraaskiisa la fasaqo.

Mid ka mid ah taageerayaasha si gaar ah u caroodey isagoo soo qoray: ‘Waxba igama gelin sawirradiisa koob Carabao. Waa inuu ka tago kooxda kaddib dhamaadka 6-diisa bilood. MUUQAALKAN ayaa ku filan yahay in la fasaxo. Sidee u taaban kartaa calaamadda Anfield adigoo ah ciyaaryahan MAN UNITED ah?’

Hadalsame Media