“Sidan waa ku maranaynaa!” – Dal isaga oo dhan la waayi doono & Tillaabo deg deg ah oo loo baahan yahay + Sababta

0

(Hadalsame) 06 Maarso 2023 – Japan risks ceasing to exist as a country if its extremely low birthrate issue is left unaddressed, according to Masako Mori, an aide to Prime Minister Fumio Kishida. Mori, an upper house lawmaker and former minister, advises the PM on the birthrate problem as well as on LGBTQ issues.

Japan ayaa waxay halis uga jirtaa inay sii jirto waddan ahaan haddii dhalashada aadka u hooseeysa aan wax laga qaban, sida uu sheegay Masako Mori, oo ah Kaaliyaha Ra’iisul Wasaare Fumio Kishida.

Mori, oo ah xildhibaan aqalka sare ah, horena u soo noqday wasiir, ayaa Ra’iisul Wasaaraha kala taliyey dhibaatada dhalmada iyo sidoo kale arrimaha LGBTQ ee sii kordhaya.

Sarkaalka ayaa hadalkan ku sheegay waraysi uu bixiyey wax yar kaddib markii Wasaaradda Caafimaadka ee dalkaasi ay ku dhawaaqday tirakoob sanadle ah oo ku saabsan farqiga naxdinta leh ee u dhexeeya dhimashada iyo heerka dhalashada, isaga oo sawiray muuqaal aad u xun.

Laba jeer in ka badan dadka ku dhashay dalka Japan ayaa dhintay, iyadoo 799,728 oo dhalasho la diiwaangeliyey halka 1.58 milyan oo qofi ay dhinteen.

“Haddii aan sidaan ku socono, dalkani wuu baaba’ayaa gebi ahaanba.” ayuu yiri Mori

Tirakoobyadani waxay sii wadaan isbeddel socdey toban sano oo ku saabsan hoos u dhaca koritaanka dadwaynaha, tiiyoo ay tirada dhalashadu ay hoos uga dhacday halkii loo calaameeyey oo ahayd 800,000 oo dhalasho markii ugu horreeysey 2022-kii.

Hadalsame Media