3 looga soo horjeedo & 3 lagu taageerayo madaxda DF Somalia oo isku mid ah

0

(Hadalsame) 07 Maarso 2023 – Marka Madaxwayne uu yimaado, waxa uu yeeshaa Mucaarad iyo Muxaafid.

Muxaafidku waxa ay u qeybsamaan saddex:

1 – Kuwo Hayb iyo Reernimo ku taageera

2 – Kuwo Hunguri iyo Hawo Adduun ku taageera

3 – Kuwo Hadaf iyo Himilo ku taageera.

Kuwa Heybta wax ku taageera aad la isuguma halleyn karo oo jifo-jifo ayay usii xuub-siibtaan, ilaa kuwa la dhashay ay bah-bah noqdaan. Qabiilku waxa uu taageero u noqonayaa oo kaliya marka ay dareemaan in uu jiro duullaan dibedda ama beel kale kaga imanaya.

Qolyaha Hunguriga iyo Hawada ku taageera, Waa kuwa ay Soomaalidu milkiilayaasha u taqaanno. In la ay sii joogaan ama ka tagaan, waxa ay ku xiran tahay sida waxa ay doonayaan uga helaan ama uga waayaan.

Waxa ay garabkiisa banneeyaan marka ay ka waayaan wixii ay ka sugaayeen. Inta yar ee wax loo tuurana, iimaanka ayaa kasii taga, ilaa heer ay hunguriyeeyaan kursiga uu isagu ku fadhiyo. Kuwan intooda sii adkeysan weysa waxa ay isku baddalaan mucaarad waliba mid miciyo dhaadheer.

Qeybta Hadafka iyo Himilada leh, waligood qofka ma cidleeyaan. Xil ama Xoolo ay ka waayeen dartoodna ugama tagaan, xataa haddii uu iyaga dhibaato u geysto, waxa ay fiiriyaan himilada guud iyo sawirka weyn.

Mucaaradkuna waa saddexdaas.

1 – Kuwo Heyb iyo Reernimo uga soo horjeesta, oo haddii uu webiyo malab ah soo jeexo aan laga yaabin in ay taageeraan.

2 – Kuwo hunguri iyo hawo adduun dartood uga hor yimaada, oo haddii afka loo buuxiyo iska aamusa.

3 – Kuwo hadaf iyo himilo ku mucaarada, kuwaas oo balaq kasta oo loo tuuro aanu ka weecineynin mabda’a ay wax ku mucaaradayaan.

Qodobka 3-aad mucaarad iyo muxaafidba waxaan dhihi karaa hadda Soomaaliya kama jiro, ama aad ayuu ugu yar yahay.

W; Q: Jacfar Kuukaay

Hadalsame Media