Man United oo maraysa tijaabo muujin doonta inay saamayn maskixiyan ah ku yeelatay guuldarradii Liverpool

0

(Manchester) 07 Maarso 2023 – Rio Ferdinand ayaa ku andacoodey in labada kulan ee soo socda Manchester United ay muujin doonaan halka ay kooxdu maskaxiyan joogto kaddib guuldarradii 7-0 ee kasoo gaartey Liverpool.

Halyaygii United ayaa sheegay in falkii ka dhacay Anfield Axaddii ay ahayd ‘xasuuq dhab ah” wuxuuna u sheegay xiddigaha United ee guuldarradaa ceebeed qaatay ay tahay inay meel iska dhigaan ciyaartan.

Ferdinand ayaa ku baaqay in la is dejiyo marka la qiimeeyo qaab ciyaareedka qof qofka ah ee ciyaartooyda isagoo muujiyey in diiradda la saaro horumarka ay kooxdu samaysay intii uu hogaaminayey Erik ten Hag xilli ciyaareedkan.

Isagoo ka hadlayey kanaalkiisa uu ku leeyahay YouTube-ka ee Vibe with Five, Ferdinand waxa uu sheegay in kulanka soo socda ee Europa League ee ay la ciyaari doonaan Real Betis iyo kulanka kale ee ay Premier League kula ciyaari doonaan Southampton ay fure u yihiin muujinta saamaynta niyadeed ee guuldarradii Axaddii.

“Waxay jabeen hal kulan, waxaana doonaynaa inaan kooxda dhan dhulka dhigno, uma malaynayo inay taasi sax tahay,” ayuu ku dooday Ferdinand.

“Kaliya waxaan bilaabayaa inaan cabsado haddii nala garaaco Khamiista [ Real Betis] ama Southampton dhamaadka usbuuca. Taasi waxay ii sheegi doontaa halka ay kooxdani maskax ahaan joogto.” ayuu raaciyey.

Hadalsame Media