Siyaasi ka tirsan Waddani oo dabaaldegyada Burco & Hargaysa ku misaaley Ciyaarihii Gobollada ee uu qaban jirey nidaamkii Siyaad Barre

0

(Hargaysa) 07 Maarso 2023 – Khadar Xuseen Cabdi oo ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani ayaa damashaadyo uu Maamulka Somaliland agaasimey oo xalay iyo caawa ka dhacay Burco iyo Hargaysa ku misaaley arrin uu sameeyey nidaamkii caskariga ahaa ee Siyaad Barre.

Waxaa uu tixraacayey markii uu nidaamkii ciidamada oo woqooyiga kula dagaallamayey jabhaddii SNM uu Muqdisho ku qaban jirey Ciyaarihii Gobollada.

”Xilli ay weli qoyan tahay xinjirtii iyo dhiigii shacabkeena Laascaanood, in aynu Hargeisa iyo Burco heeso iyo jaas isugu nimaadnaa waa halkii ugu dambaysay maangaabnimada iyo damiir xumada,” ayuu ku bilaabay Khadar Xuseen.

”Waxaaban xasuustay Siyaad Barrihii, Hargeysa iyo Burco oo ololaya lahaa ciyaarihii kubbadda ee gobalada ayaa ay ka qaybgalayaan.” ayuu raaciyey.

Nidaamka uu hoggaaminayo Muuse Biixi ayaan shacbiyad badan u haysanin dagaalka uu ka wado Laascaanood oo ay dadka degaanku doonayaan inay iyagu aayohooda ka tashadaan.

Hadalsame Media