MW Xasan Sheekh oo caawa ka hadlay 4 arrimood oo muhim ah

0

(Dooxa) 06 Maarso 2023 – Waraysi Madaxweyne Xasan Sheekh uu caawa siiyay Telafeeshinka Aljazeera qeybta Carabiga isagoo ku sugan dalka Qadar, ayuu uga hadlay arrimo muhiim ah oo ka mid ah dagaalka Al-Shabaab, siyaasadda iyo Arrimaha Dibadda.

Qodobo si gaar Al Jazeera uga soo qaadatay ayaa waxaa ka mid ah afartan qodob:

1 – Waxaa jira dhaliilo iyo gaabis maamulidda dhaqaalaha guud ee Soomaaliya marxaladda kumeel gaarka ah ee lagujiro awgeed.

2 – Dalalka aanu walaalaha nahay ee Carabta iyo Midowga Afrika taageero ayay u fidiyaan dalkeena, waxaan leenahay hab maamul oo isku xiraya dardar galinta taageeradaas.

3 – Ma dooneyno in dagaal dibadda laga soo raray la keeno dalkeena, mana ogolaanayno in Soomaaliya loo adeegso in lagula dagaalamo dalal kale.

4 – Xukuumadda Soomaaliya waa xukuumad midnimo, waxayna ka shaqaynaysaa midnimada dalka, waana mabda’ aan abid laga tanaasulaynin.

W; D: Cabdicasiis Golf

Hadalsame Media