”Weerar kale ayaa qorshaysan” – Diyaarad istaraatiji ah oo uu Ruushku ku dhaarto oo dhaawac culus lagu gaarsiiyey dal ay Ruushka saaxiib yihiin + Sawirro

0

(Minsk) 06 Maarso 2023 – Diyaaradda digniinta hore bixisa ee Ruushka ee A-50 [AEW&C] ayaa waxay bartilmaameed u noqotay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn mar ay maraysey Belarusia. A-50 ayaa safka hore kaga jirta diyaaradaha istaraatiijiga ah ee Ruushka.

Xilli uu weli socdo dagaalka Ruushka iyo Ukraine, ayay gayfanayaan Belarusiyaan ihi sheeganayaan inay weerareen diyaarad millateri oo Ruushan ah diyaarad aan duuliye lahayn ama daroon [UAV]. Waxaana la sheegay in A-50 uu soo gaaray dhaawac halis ah, “diyaaradduna hubaashii aanay duuli karin.”

Dadka ka ololeeya Dowladda Belarusia oo olog la ah Ruushka, ayaa sheegay inay fuliyeen weerarka ay la beegsadeen diyaaraddan laga leeyahay dalka Ruushka ee Beriev A-50 oo ku sugnayd Saldhigga Cirka ee Machulyshti ee duleedka caasimadda Minsk. Weerarkan laga hadlayo ma aysan xaqiijin midkoodna Ruushka iyo Belarus.

Alexander Azarov, oo ah hoggaamiyaha urur kassoo horjeeda Dowladda Belarus oo la yiraahdo BYPOL, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in weerarku qaatay dhowr bilood in la qorsheeyo iyo inuu ahaa “ku dhufoo ka dhaqaaq” ayna isku dayi doonaan inay qaadaan tillaabooyin dheeraad ah mustaqbalka dhow.

Frank Vachershorda, oo la-taliye u ah hoggaamiyaha mucaaradka Belarus ee Svetlana Tsihanovskaya, ayaa sidoo kale sheegtay in laba nin oo ay ku lug lahaayeen weerarkan, lala eegtay diyaaraddan muhimka ah ee Beriev A-50.

Meelaha ay wax ka gaareen waxaa ku jirta anteenada raadaarka, isgaarsiinta, hagitaanka iyo agabyada kale ee ay wax ku aragto ama ku sahmiso.

Hadalsame Media