”May durba ku dhawaaqaan heshiiska” – Jude Bellingham oo sameeyey arrin muujinaysa inuu la hayo kooxda Liverpool

0

(Muqdisho) 06 Maarso 2023 – Jude Bellingham ayaa taageerayasha Liverpool geliyey xaalad waali ah kaddib markii uu ‘like’ saaray barta Instagram-ka ee Trent Alexander-Arnold kaddib guushii ay Liverpool ka gaartey Manchester United.

Waa mid ka mid ah natiijooyinkii ugu cajiibsanaa ee xilligan casriga ah, waana guushii ugu waynayd ee ay Reds ka gaarto kooxaha ay xifaaltamaan in ka badan 100 sano, waxayna 7-0 raacaysaa natiijooyinkii xilli ciyaareedkii hore ee 4-0 iyo 5-0 kaga badiyeen isla Man United.

Alexander-Arnold ayaa sawirkiisa soo dhigay baraha bulshada isagoo ag maraya calaamadda ‘Halkani waa Anfield’ ee ku taalla dusmada, waxaana qoraalka ka helay xiddigga bartilmaameedka u ah Liverpool ee Bellingham.

Arrintaas ayaa waxay keentay in taageerayaasha Reds ay farxad ka muujiyaan arrintan iyagoo aaminsan in laacibku uu kusoo biirayo iyaga.

Mid baa soo qoray: “Miyay ku dhawaaqi rabaan durba, dhammaanteen waan ognahay inay dhacaysee.”

Hadalsame Media