Hab-dhaqanka qaar ka mid ah xiddigaha waawayn ee Man United oo aad loo dhaliilay (Yaa ugu darnaa?)

0

(Liverpool) 05 Maarso 2023 – Roy Keane ayaa dhaleeceeyey ciyaartooyda waawayn ee Manchester United qaarkood kaddib markii ay 7-0 kula tumatay Liverpool oo ku gamaarisay garoonka Anfield, isagoo sheegay inuu ‘ka mahadnaqayo’ inuusan waligiis ka mid noqon koox sidaa xun loo garaacay.

“Xitaa ma xasuusan karo goolasha waayo aad bay u badan yihiin,” ayuu yiri Keane. “United waxa ay ahayd koox eryanaysa ciyaarta, si toos ah ayaan u daawanayney aniga oo sii malaynaya in tani ay noqon doonto mid aad u fool xun,” ayuu raaciyey.

“Waxaad haysataa ciyaartooy caalami ah, ku guulaystey Koobka Adduunka… Waa alaabtii dugsiyada waxa dhacay! Waad cafin kartaa ciyaartooyga maalin ka xumaatay, laakiin bal waxan eeg!

“Luqadda jireed ee Fernandes maanta waxay ahayd ceeb. Runtii waa wiil karti badan, waa kabtankii. Laakin luqaddiisa jireed, sida uu gacmahiisa u lulayo oo aan dib ugusoo laabanayn, kuma farxi kartid,” ayuu ku dooday.

Keane ayaa sheegay in United ay u muuqatey mid weli ku faraxsanayd ama u dabbaaldegeysey koobkii Carabao ee ay dhowaan qaadeen.

”Waxa aan arkayey mid ama laba laacib oo kasoo baxayey dusmada qaybtii dambe iyaga oo qoslaya oo kaftamaya. Waxa 1-0 lagugu hoggaaminayaa garoonka Anfield waxaadna la qoslaysaa oo la kaftamaysaa qaar ka mid ah shaqaalaha Anfield?”

“Waxaan la yaaban ahay haddii De Gea oo oggolaaday 7 gool, haddii aad tahay goolhaye caalami ah oo aad ogolaato todobo gool, weliba goolkii ugu dambeeyey wuxuu ahaa nooca dugsiyada.” ayuu ku qayliyey kabtankii kululaa ee Man United oo haatan kubbadda falanqeeya.

Hadalsame Media