KA FAA’IIDAYSO: Saddex-xagalka Sheeko Tebinta & Sida aad ku ogaan karto xagasha uu sheekeeyuhu taagan yahay

0

(Hadalsame) 06 Maarso 2023 – Saddex-xagalka Sheeko Tebinta

Sheekooyinka la hal’abuuro iyo kuwa la hal’uruuriyo (fiction and none fiction) waxa ay leeyihiin habab loo tebiyo ama loo weriyo, ama dheh habab loo sheego. Si gaar ah sheekafaneedda, mid dheer iyo gaabanba Habkaa oo Ingiriisiga “point of view” loo yaqaan mid ka mid ah un baa loo tebiyaa ama loo sheegaa. Waxa laga hadlayaa waa hadba xagasha sheegaha sheekadu uu ka taagan yahay waxa uu sheegayo. Xaglahaa oo saddex ah gees mid ka mid ah ayuu sheekasheege (qore) kastaahi taagan yahay. Saddex-xagashaasi waxaa saddexda hab oo Ingiriisiga lagu yiraahdo:

First-person point of view,
Second-person point of view, iyo
Third-person point of view.

Tan u dambaysa ayaa loogu adeegsi badan adduunka oo dhan waayo sida labada kale qoraha sheekada ma qabbirayso ee sida uu doono ayuu isugu milqi karaa baaxaddeeda iyo gunteedana u dheerayn karaa. Si kale haddii aan u dhigno marka aad xagal-aragga (point of view) Qof-saddexaad sheeko ku tebinaysid (u qoraysid) gacantaadu waa xor (free hand) meel kasta gaari karta.

Habka labaad (second-person) aad buu naadir u yahay oo waa yar yahay qof sheekafaneed iyo sheekagaaban ku qora balse waa ay jiraan dad ku qoray sida aan gadaal ku sheegi doonno. Habka koowaad sida kan saddexaad u ma adeegsi badna kan labaad oo kalena u ma adeegsi yara. Waa se xiise badan yahay oo macaan yahay balse dabarka uu qoraaga ku dabrayo darteed buusan sida kan saddexaad u adeegsi badnayn.

Sidee Lagu Gartaa Xagasha Tebiyuhu Tagan Yahay?
Waxaa lagu gartaa magacuyaallada sida: aniga, adiga, asaga, ayada, adinka, aan, i, aad, ay, uu, aad, iqk.

Marka aad sheeko qoraysid waxaa lagamamaarmaan ah in aad si degdeg u muujisid xagashada aad u tebinaysid, oo haddii aadanba bilowga saddexda hab mid aad wax u tebinaysid sheekada ku bilaabin, waa in aad baaragaraafyada ugu horreeba ku muujisid (magacuyaalka). Si aynnu taa u fahanno aan soo qaadanno saddex sheeko oo gaagaaban oo labo ka mid ah anigu aan qoray midda kale Ibraahin-Hawd qoray.

Qof-koowaad (first-person point of view)

Sheekada “IGU SHEEGANINWAALAN” oo beryo dhowayd aan qoray waxa aan ku tebiyay habka qof-koowaad sida aad qoraalka hoose ka arki kartaan.

“Sida Tolstoy inoo sheegay, dhammaan sheekooyinka waawayn ee suugaantu waa labo midkood; “nin sadcaalaya ama galti degmada soo galaya/all great literature is one of two stories; a man goes on a journey or a stranger comes to town” balse “ANIGA” sheekadaydu waa….”

Qof-labaad (second-person point of view)

Habka tebinta qofka labaad oo ah kan ugu adag ee sheeko hal’abuur ah lagu tebiyo aynnu tusaale u soo qaadanno sheekada “SADDEX NAFOOD” ee Ibraahin-Hawd qoray.

“Siraad, weligaa iskuul ma “AAD” dhigan, oo wax ma qortid waxbana ma akhridid. Weligaa habeen uma aad hoyan meel aan ahayn aqalka aabbahaa iyo hooyadaa, noloshaaduna ma ay dhaafsanayn gurigiinna aad ka adeegtid iyo suuqa aad ka soo adeegtid….”
Sida aan arki karno, inkasta oo Hawd sheekada ku ibafuray “Siraad” oo ah gabadha sheekaddu ku socota, haddana waxaa xagal-aragga si wacan u muujinaya magacuyaalka “AAD”.

Hab-tebinta qof-labaad sababaha adkeeya, ka sokow in uu xaddidayo aragtida qoraaga, waxaa qoraaga ku adkaanaysa isku xirta iyo isku qoofaladdi sheekada. Marka aad SADDEX NAFOOD akhrinaysana waa aad dareemaysaa in Ibraahin-Hawd harjadayo.

Qof-saddexaad (third-person point of view)

sheekada “JIDKII GUDCURKA” oo ayada aan beryo dhowayd qoray waxa aan ku tebiyay habka Qof-saddexaad sida aad line-ka afraad ka muuqata magacuyaalka “UU” ayaa muujinaya in sheekadu ku socoto ruux nin ah. “Milaygu waa 2005, meeshu waa Muqdisho maalintuna waa Jimce. Saaka si baa wax ka yihiin. Dhiifoonaantii iyo firfircoonidii maalintan oo kale “UU” lahaan jiray….”

Ugu dambayn, xagal-araggu (point of view) waa hab qoraaga sheekadu ku go’aansado yaa sheekada tebinaya? Yaa loo tebinayaa? Yaa se laga tebinayaa?

Hababkan aan ka sheekaynay kuma koobna sheekafaneedda iyo sheekada gaaban oo keliya balse wax walba oo la qorayo ayaa hababkan loo adeegsadaa. Tusaale ahaan xusuustebyada (memoir) iyo qudh-kahadalka (autobiography) xagal-aragga qof-koowaad baa lagu tebiyaa, halka taariikhnololeedka xagal-aragga qof-saddexaad lagu tebiyo.

W; D: Cali M Diini

Hadalsame Media