Jilaaga Akshay Kumar oo rikoodh nooc cusub ah dhigay kaasoo ay horay u haysteen jilayaal & Ciyaartooy (Daawo)

0

(Mumbai) 06 Maarso 2023 – Jilaaga caanka ah ee hindiya ee Akshay Kumar ayaa jebiyey rikoodhka sawirrada iska qaadka ah ama Selfie-ga ah ee lagu qaado sedex daqiiqo gudahood, isagoo guud ahaan 184 jeer qaaday.

Rikoodhkii hore ee 168 waxaa sameeyey James Smith (UK), iyo kuwii ka horreeyeyna  waxaa ka mid ahaa Dwayne “The Rock” Johnson, heesaaga Donnie Wahlberg (labaduba waa Maraykan), iyo ciyaaryahankii hore ee kubada cagta Alan Shearer (UK).

Rikoodhka Akshay ayaa ka dhacay Mehboob Studios oo ku yaalla Mumbai, halkaas oo in ka badan 240 taageere ay isugu soo baxeen fursad ay ku jebiyaan rikoodhka adduunka ee xiddigga ay taageeraan.

“Xaqiiqdii waxay ahaayeen dad aad u faraxsan,” ayuu yiri Garsooraha rasmiga ah ee GWR Swapnil Dangarikar oo meesha joogey.

Hadalsame Media