”Man United shalay waxay ku ciyaaraysey 10 qof!” – Waa kee laacibka iska seexday? (Daawo)

0

(London) 06 Maarso 2023 – Kooxda Manchester United ‘waxay garoonka Anfield ku ciyaaraysay 10 nin’ sababtoo ah Antony ‘ma qaban shaqadiisa’ garabka midig, sida uu qabo daafacii hore ee Micah Richards.

Eedeyntan ceebaysan ee laacibkan oo ku fadhiya £85.5 milyan oo ginni islamarkaana garabka ka ciyaara ayaa timid kaddib markii ay Liverpool 7-0 ku garaacday Manchester United kulan ay ka dhaliyeen lix gool qaybtii labaad.

Daaficii hore ee Man City Richards ayaana gebi ahaanba ka xumaaday doorka Antony uu qaatay maadaama uu ka gaabiyey caawinta daafaca dadabka midig ee Diogo Dalot oo halis joogto ah ka wajahayey Andy Robertson.

“Ma jirin wax xiriir ah oo u dhexeeyey (Diogo) Dalot iyo Antony, waxay la mid ahayd sidii inay ku ciyaarayeen 10 nin sababtoo ah Antony shaqadiisa kama qabanayn dhinacaas,” ayuu Richards ka sheegay bandhigga Match of the Day 2.

“Dhamaanteen waan ognahay sida wanaagsan ee (Andy) Robertson iyo Trent (Alexander-Arnold) ay isaga kaashanayeen booska daafaca marka waxaad fili kartaa in Antony uu isku dayi doono inuu ku dhowaado oo raaco Robertson.” ayuu daba dhigay.

Hadalsame Media