Mbappé oo rikoodh cajiib ah ka dhigay kooxdiisa PSG (Laacibka u dhaafay)

0

(Paris) 04 Maarso 2023 – Kylian Mbappé ayaa jebiyey rikoorkii Cavani isagoo noqday gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda kooxda PSG.

Goolkii uu caawa ka dhaliyey Nantes, Kylian Mbappé waxa uu gaarey 201 gool 247 kulan oo uu saftay isagoo xiran funaanada kooxda reer Paris, isagoo ka sare maray Edison Cavani 200.

Tan ugu darani waa in uu waxaas oo dhan ka jiba keenay isagoo 24 jir uun ah.

Kylian Mbappé: 247 Kulan

Goolal: 201

Inta uu dhigay: 95

Edison Cavani: 301

Goolal: 200

Inta uu dhigay: 43

Hadalsame Media