”Halkani ma aha Muqdisho” – Dadka Afrika oo la yaabay sawirkan & Fal-celintooda

0

(Hadalsame) 04 Maarso 2023 – Waxaa dood adag dhaliyey sawir laga soo qaaday magaalada Muqdisho oo sanadihii dambe si aad u dhismaysey.

Dadka reer Afrika ayay qaarkood dood ka keeneen inay halkani Muqdisho tahay iyagoo ku doodaya inay Muqdisho ugu sawiran tahay meel burburtay oo basaastay.

Yeelkeede, qaar kale oo dadka ka mid ah ayaa duco iyo dhiirrigelin usoo diray Soomaalida iyagoo sheegay inay mar uun jeclaan lahaayeen inay arkaan Somalia oo cageheeda isku taagta ama ay iyaguba fursad u helaan inay soo booqdaan.

”Marbaan 70-kii jeclaa inaan halkaas ku noolaado horraantii 70-meeyadii. Dad quruxbadan.” ayuu mid soo qoray.

Hadalsame Media