Laacib hore oo diidey in Man United v Liverpool ay dheelaan kulanka ugu kulul UK (Derby-gee ugu daran?)

0

(Hadalsame) 04 Maarso 2023 – Gabby Agbonlahor waxa uu ku adkaystay in Liverpool iyo Manchester United oo ka wada dhisan Gobolka Woqooyi Galbeed ee Ingiriiska aanu ka dhaxayn xafiiltanka ugu wayn ee kubbada cagta Ingiriiska.

Labada naadi ayaa Axadda berri ah ku kulmi doona garoonka Anfield, waxaana ay isu gayn ahaa qaadeen 39 horyaal si ay u noqdaan labada kooxood ee ugu guulaha badan England.

Labada dhinac ayaa ku loollamaya in middoodba loo arko kooxda ugu wayn dalka, kulan kasta oo dhexmarana waa ciyaar xamaasad leh, laakiin Agbonlahor wuxuu aaminsan yahay in Rangers iyo Celtic uu ka dhexeeyo xafiiltan aad uga wayn, wuxuuna soo jeediyey in kulamadii Liverpool iyo United ay sanadihii dambe noqdeen sidii kuwo saaxiibtinnimo oo kale.

“Derby-ga ugu wayn waa Rangers vs Celtic,” ayuu Agbonlahor ayaa u sheegay talkSPORT. “Waxay iigu jirtaa liiska kulamada aan ka helo inaan tago oo aan daawado,” ayuu yiri.

“Marka aad daawato TV-ga, waxaad dareemi kartaa xiisaha ciyaarta. Qaar ka mid ah kooxaha kale… Manchester United vs Manchester City – runtii anig wax wayn uma arko,” ayuu raaciyey.

“Manchester United vs Liverpool – haa xafiiltan ayaa jira laakiin ciyaartooydu way is gacan qaadayeen maalmahan,” ayuu ku dooday.

Agbonlahor ayaa ku lug lahaa kulamo badan oo derby ah waqtigiisii ​​Aston Villa ka ciyaaryahan ahaan, waxaana uu sheegay in kulanka Midlands Derby ee Birmingham City uu ka sarreeyo kulan kasta oo England ka dhaca.

“Waxaa jira nacayb dhab ah oo u dhexeeya labada taageere,” ayuu yiri. “Waxaan mar walba ogayn inaan garaaci doono Birmingham City, waanan garanayney inta ay qiime ugu fadhiso taageerayaasha.” ayuu yiri.

Hadalsame Media