Seddax arrimood oo ka muuqata qaabka uu MW Xasan ugu jawaabey dadkii nidaamkiisa ka cabanayey + Mid ka dhalan karta & Mid yaab leh (Daawo)

0

(Kismaayo) 04 Maarso 2023 – MW Xasan Sheekh ayaa si dadban balse la dareemi karo ugu jawaabey dad dhowaanahan eedo iyo cadaalad darro ka tirsanayey nidaamkiisa, kuwaasoo shirar ku yeeshay dalka gudihiisa iyo dibeddiisa.

MW Xasan Sheekh ayaa shalay khudbad uu ka jeediyey Kismaayo oo uu booqasho ku joogo kusoo hadal qaaday arrintan oo ay dad badani garaabis uga sugayeen, balse wuxuu muujiyey aragti lid ah, isagoo isku difaacey inay dadkaasi metelaad leeyihiin. Haddaba, maxaa laga aqrisan karaa hadalkiisa.

1 – Inuu ku qanacsan yahay sida ay wax u socdaan, taasoo ka duwan aragti ay dadka qaar qabeen oo ahayd inay wax ku dheelayaan dad isaga ka hoos shaqeeya.

2 – Inuu ka caraysan yahay in laga hor yimaado sida uu wax u wado.

3 – Inuusan diyaar u ahayn inuu cabashadaa wax ka qabto maadaama ay jiraan labada aan soo sheegnay, isagoo weliba ku daray ”waa ku diidey waa ku diidey ayay leedahay.”

MIDDA KA DHALAN KARTA & MID YAAB LEH? Waxay tani keeni kartaa inay sii nuxuusto taageerada loo hayey nidaamkiisa islamarkaana ay meesha ka baxdo aragtidii ahayd in Madaxwaynuhu uu markan sixi doono waxyaabo badan oo ka khaldanaa muddo xileedkiisii hore.

MIDD YAABKA LEH? MW Xasan Sheekh ayaa lagu xusuustaa inuu muddo 4 sanadood uu mucaarad ku ahaa nidaamkii isaga ka dambeeyey ee Farmaajo, isagoo shirar ku qabanayey dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba, balse hadda u muuqda mid aan ogolayn inuu dadku nidaamkiisa diidaan ama ka cowdaan.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media