Geed Somalia ka baxa oo ay dunidu aad u xiisayso & Faa’iidooyin badan oo uu leeyahay & Waxa laga sameeyo + Sawirro

0

(Hadalsame) 04 Maarso 2023 – Geedkani waxay soomaalidu u taqaanaa Moxog, gobolada qaar ayaa cunto ahaan looga isticmaalaa. Inkastoo aysan soomaalida badankoodu aqoon badan u laheyn geedkan.

Moxogga waa geed faa’iido badan oo noocyo badan oo cuntooyin ah laga sameyn karo, waxaa ku jira fiitamiino, nafaqooyin iyo macdan jirka muhiim u ah.

Cunto-kariyaasha caalamiga ah aad ayey u jecel yihiin geedkan inay cuntooyinka ku daraan.

Moxogga marka la warsahadeeyo waxaa laga sameeyaa laba nooc oo bur ah oo dunida qiima sare ka jooga Waana burka : Tabioca iyo Manioc.

Burka laga sameeyo geedka moxogga waxaa loo isticmaalaa sida loo adeegsado burka caadiga ah, sida in laga sameeyo Rooti, Muufo, Jibsi, iwm.

Haddii aan ka faa’iideysano geedka moxogga oo aan bur ka sameysano waxaa yaraan lahaa baahida loo qabo burka dibaddaha laga soo dhoofiyo oo aan bad-qabkooda la isku halleyn karin.

Moxog = Cassava الكسافا

W/D: Mustaf Cawil Xasan

Hadalsame Media