Muqdisho, wiil dhallinyaro ah oo uu khaarajiyey nin kasoo baxay meel ”dhaqancelin” ah & Askari ka caawiyey (Daawo)

0

(Muqdisho) 04 Maarso 2023 – Wiil dhallinyaro ah ayaa lagu diley xaafadda Tarabuunka ee Degmada Hodan iyadoo la sheegay inuu dilka gaystey wiil kale oo kasoo baxay meel ”dhaqan-celin ah.”

Marxuumka oo lagu magacaabi jirey Cabdulqaadir Cabdi Maxamuud ayuu ninka dilka ku eedaysani wuxuu dilkiisa u adeegsadey qori uu kasoo qaatay nin askari ah oo ka mid ah Ciidanka DF, sida ay ehelku u sheegeen Universal TV.

Ehelada marxuumka ayaa haatan sheegay inay u baahan yihiin in eedaysanaha iyo askarigii dilka ka caawiyeyba lasoo qabto, iyagoo diidey in la aaso marxuumka.

Caadiyan waa mamnuuc in askarigu uu qorigiisa siiyo qof kale oo rayid ah iyo xitaa askari kale, isagoo aan wax rukhsad ah ka haysanin taliyeyaashiisa.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli uu faraha kasii baxayo ammaanka caasimadda Muqdisho oo todobaadyadii dambe ay ka dhacayeen dilal kala duwan oo qaar badan oo ka tirsan ay ku lug leeyihiin isla ciidanka DF.

Hadalsame Media