”Beenlow, haa beenaalow!” – Benzema oo markii uu Messi abaalmarinta qaatay farriin yaab leh soo dhigay (Daawo)

0

(Madrid) 28 Feb 2023 – Karim Benzema ayaa u muuqda inuu si yaab leh uga jawaabey guusha Lionel Mess oo loogu cimaamaday Xiddigga ugu Fiican FIFA isaga oo fariin YARA maldahan soo dhigay Instagram.

Laacibka reer France ayaa ku dhamaystay kaalinta labaad ee codaynta, inkastoo la ogaa doorkii uu ku lahaa Champions League xilli ciyaareedkii hore, isagoo kala dhex galay xiddigga reer Argentina iyo saaxiibkiis Kylian Mbappe. Benzema ayaan se ka qaybgelin xafladda.

Isagoo muuqaal soo dhigay Instagram-ka islamarkiiba uu Messi ku guulaystay abaalmarinta, waxaa la maqlayaa nin Faransiis ku qalinaya oo leh: ‘Beenlow, haa, beenaalowyohow’.

Waxaana muuqaalka Benzema la socdey kelmada ‘habeen wanaagsan’ oo ah qoraal ku yaal gunta hoose ee muuqaalka.

Si buuxda uma cadda sababta uu Benzema u soo dhejiyay fariintan maldahan oo kale, laakiin ka maqnaanshihiisa ayaa caddayn karta sharraxaad kasta oo lagaga baahan yahay farriintan.

Hadalsame Media