MW Xasan Sheekh oo hirgeliyey ”Sunno” siyaasadeed uu caan ku ahaa MW hore Farmaajo (Maxay ahayd?)

0

(Muqdisho) 28 Feb 2023 – Magaalada Muqdisho guri iyo goob ganacsi oo aan la canshuurin ma jiraan, haddana guri iyo goob ganacsi oo bad-qaba ma lahan.

Shirqoolka, dilalka tooska ah iyo afduubka gabdhaha yar yar ayaa caadi ka noqday magaalada Muqdisho dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.

Maalin walba daawasho aan la jecleysanin ayaa la daawanaya ilmada waalid caruurtoodii la dilay. Ilintooda waxaa ku lamaansan cadaalad ayaa rabna iyo dowladda wax ha noo qabato, laakiin cid u jawaabeysa majirto.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa u muuqda inuu si weyn ugu fashilmay wax ka qabashada adeegyada aas-aasiga ah ee caasimada sida; bilicda, amniga, kaalmada caafimaadka, midda waxbarashada, shaqo abuurka iyo inuu shacbiyad u sameeyo dowladda.

Inay shacabka caasimada iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kala dhintaan hadda meel majirto, sababta oo ah dareenku kuma siinayo dil afar jiho kaga socda iyo bixinta baad saddex dhinac ah, iyo weliba canshuur kugu waajib ah oo aan haddana lagu adeegayn.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud su’aasha ugu weyn ee ay shacabka jawaabteeda ka sugayaan waa cidda qaadeysa masuuliyada guul-darada dhinac walba ee ka muuqata magaalada Muqdisho.

Lamana yaqaano inta ay sii socon karto canshuur bilaa adeeg ah, haddii aanay dowladda la imaan isbedel muuqda waqtiyada soo aadan.

Isha: Caasimadda Online

FG: MW Xasan Sheekh wuxuu doorashada ku galay inuu noqon doono dookh ka fiican MW hore ee Farmaajo, balse waxa qura ee uu hadda hirgeliyey waa hal siyaasad oo uu isagu lahaa, taasoo ah in xaaladaha ijtimaaciga ah ee soo kordha laga aamuso halkii wax laga qaban lahaa.

Hadalsame Media