Kylian Mbappé oo caddeeyey kooxda qura ee uu ku biiri lahaa haddii uu tago Serie A (Daawo)

0

(Paris) 28 Feb 2023 – Xiddigga PSG iyo xulka France ee Kylian Mbappé ayaa qof taageere ah u sheegay kaddib Abaalmarinta FIFA Best Isniintii inuu ku biiri doono AC Milan uun hadiiba uu u dhaqaaqo Serie A.

Ciyaaryahankan heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa loo magacaabay kooxda sanadka ee FIFA FIFPRO Men’s World 11 habeennimadii Isniintii xalay kaddib xafladdii lagu qabtay Paris, taageere ayaana ka codsaday inuu u wareego Serie A.

Rossoneri waxaa lagu yaqaanaa inay tahay kooxda uu Mbappé ugu jecel yahay Talyaaniga. Hal sano kahorna, wuxuu u sheegay Gazzetta: “Xiriirkayga AC Milan waa mid gaar ah.”

“Carruurnimadii, waxaan i hayn jirtey haweeney caawiso ah oo Talyaani ahayd, waxaana waqti badan la qaatay qoyskeeda, kuwaasoo dhammaan ahaa taageerayaal Milan ah. Marka, iyaga dartood, waxaan sidoo kale u sacbin jirey ‘Rossoneri’ oo aan daawaday ciyaaro badan oo ay ciyaaraysey xilligaa.” Ayuu mar ku yiri saxaafadda gaar ahaan La Gazzetta.

Sawirka Mbappé oo xiran maaliyada Rossoneri isagoo ilmo yar ah ayaa inta badan taageerayaasha AC Milan ay kusoo bandhigayeen baraha bulshada sanadihii lasoo dhaafay.

 

Hadalsame Media