“Waxaa laga jebiyey dhabarka & Qoorta!” – Xog cabsi badan oo kasoo baxday wiil maydkiisa laga helay meel garaash ah (Daawo)

0

(Muqdisho) 27 Feb 2023 – Wiil yar oo danyar ah ayaa maydkiisa shalau laga dhex helay gaari dhex yaalla garaash uu leeyahay nin lagu sheegay Cabdi Madoobe.

Wiilka yar ayaa markii jirkiisa la eegay waxaa ka muuqda raadka in dilkiisa cunfi badan loo adeegsadey iyadoo xarig qoorta looga merjiyey, dhabarka iyo qoorta laga jebiyey islamarkaana jugo badan loo gaystey.

sida ay sheegtay wiilka hooyadiis, waxaa wiilkeedii Farxaan Cabdi oo ahaa wiil 14 jir ah, waloow markii hore 15 lagu qiyaasayey, laga duleeliyey naaska hoostiisa, iyadoo markii la arkayey loo badinayo in gaariga maydkiisa lagu fogayn rabey, iyadoo uu gaarigu ku baakinnaa garaash ku yaalla Tarabuunka.

Farxaan ayaa wuxuu ahaa wiil yar oo lugta naafo ka ah. Wuxuu ka shaqayn jiray sharraxaadda mooto bajaajyada isagoo sidoo kale kuleejo dhiganayey. Habeen hore ayuu ka soo tegey xaafaddiisa oo ku taalla xerada 77 ee deg. Dayniile.

Wuxuuna casho u doontay makhaayadaha u dhow meelihii uu ka qaraaban jiray ee Tarabuunka.

Dorraad oo dhan waa la waysanaa. Shalay markii salaadda Maqribka laga baxay ayaa garaashka lagu arkay isaga oo meyd ah oo gaari ku dhex jira. Gaariga waxaa iska lahaa wiil uu dhalay milkiilaha garaashka.

Maydka Farxaan oo loo gudbiyay qaybaha baarista waxaase la yaab leh inuu weli garaashkii furan yahay cid dembigan loo qabtayna aysan jirin, weliba dembigan si sahlan ayaa lagu soo heli karaa maadaama shirkadda uu telefoonka ka haystey ay heli karto lambarradii ugu dambeeyey ee soo wacayey ama uu la hadlay oo telefoonkiisa laga masaxay, balse laga heli karo diiwaanka shirkadda.

Ma jirto hay’ad dembi baaris oo intaa fahmi waayi karta.

Qoyska Farxaan waa danyar aan haysan cid u doodda oo arrintooda dabagasha.

Halkan ka DAAWO…..

Hadalsame Media