Dhulgariir kale oo mug xooggan oo ku dhuftay Turkiga

0

(Ankara) 27 Feb 2023 – Dalka Turkiga waxaa ku dhuftay dhulgariir kale kaas oo sababay inay sii dumaan dhismayaal horay ugu burburay kii hore – saddex toddobaad kaddib dhulgariir aad u xun oo dalkaasi ku dhuftay oo ay ku dhinteen 48,000 oo qof.

Dhulgariirkan oo cabirkiisu ahaa 5.6 ayuu xuddunkiisu ahaa magaalada Yesilyurt ee gobolka Malatya ee koonfurta dalka Turkiga, sida ay sheegtay hay’adda maaraynta musiibooyinka ee dalkaasi.

Aabbe iyo gabar uu dhalau ayaa la sheegay inay ku hoos jiraan burburka dhismo afar dabaq ah kaddib markii xoogga dhulgariirku uu sababay inuu dumo iyagoo halkaa alaabo u doonay, duqa magaalada Yesilyurt, Mehmet Cinar, ayaa sidaa u sheegay telefishanka HaberTurk.

Malatya waxa uu ka mid ahaa 11 gobol oo Turkiga ah oo uu ku dhuftay dhulgariir cabirkiisu dhan yahay 7.8, kaasoo burburiyey qaybo ka mid ah koonfurta Turkiga iyo woqooyiga Suuriya 6-dii Febraayo.

Dhulgariirkan is xigxiga ayaa marka laga yimaado geerida in ka badan 48,000 waxaa ku dumey 173,000 oo guri Turkiga oo qura.

Halkan ka arag sawirrada…

Hadalsame Media