“Aabihii oo dhintay ayay carruurtiisu doonayeen inay la hadlaan!” – Qiso ka mid ah kuwii ugu xanuunka badnaa ee shalay ka dhacay Laascaanood

0

(Hadalsame) 27 Feb 2023 – Waxaa weli Laascaanood ka taagan dagaal iminka bil kusii dhowaanaya oo halkaa ka bilowday horraantii bishan, kaasoo u dhexeeya Maamulka Somaliland iyo dadka degaanka.

Ha yeeshee, dagaalkan ayaa leh qisooyin badan oo qamuunyo miiran ah sida middan halkaa ka dhacday shalay oo aad la iskugu riiqmay. Waxay ku bilaabanaysaa sidatan:

Intii halganku socdey shalay ayay iigu adkayd oo iigu qisooyin badnayd. Nin ayaa dhaawac ahaan loo soo saaray baabuur aan ku shaqaynaynay.

Ninkaasi intii hore oo dhan nolol ayuu xisaabsanaa balse markii aanu dhakhtarka geynay ayaa la xaqiijiyey in uu go’ay. Mobile uu lahaa ayaa kaga dhex dhacay baabuurka. Maaddaama shaqadu badnayd aadna u adkayd ma aanu qaban karin wicitaanno badan oo wacayey numberkiisa.

Fiidkii mar aan salaad cishe iyo makhrib isku tukanayno ayaan numberkii qabtay. Xaaskiisii oo ay ugu qoran tahay “Caasha-qaali” ayay ahayd. Ma ay barooranayn.

Markii aan qabtay ayay qaylisay oo tidhi “Alla ma nooshahay hebeloow xabiibi?”. Iyada oo xataa loo sawiray meydka casarkii oo ehelkiisu u xaqiijiyeen ayay haddana nolol ka sii naawilaysay.

Iyada waxaa igaga darnaa carruur markii aan taleefanka ka qabtay agteeda joogay oo ka ag lahaa “Hooyooy aabbe miyaa kula hadlaya?”

Runtii dareenka hooyadaas iyo carruurtaas aabbahood weli naawilaya ayaa aad ii damqay. Qisooyin midiba mid ka murug badnayd ayay tani tii iigu darnayd noqotay.

Xigasho: Naafic Aadan

Hadalsame Media