MW Xasan Sheekh oo rikoodh cusub dhigay (Bal fiiri bisha Febraayo)

0

(Hadalsame) 24 Feb 2023 – Madaxwaynaha DF Somalia, Md Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa noqday MW ugu horreeyey ee dib loo doorto muddo xileed 2-aad taasoo aan abid horay u dhicin.

MW Xasan Sheekh ayay dadka ku dhowdhowi ka sheegayaan warar ku saabsan inuu doonayo inuu reebo “dhaxal siyaasadeed.”

Yeelkeede, waxaa yara is diiddan afcaasha dadka isaga la shaqaynaya gaar ahaan kuwa aadka ugu dhow iyo hadalkaas ama xitaa isaga laftiisa ficilkiisa maadaama uu inta badan waqti ku lumiyo safarro aan micne buuran lahayn oo uu inta badan uga qaybgalo shirar heer hoose ah ama xitaa haddii ay waawayn yihiin aan si toos ah u taabanayn Somalia.

XSM ayaa bishan Febraayo rikoodh cusub dhigay isagoo aan dalka si rigli ah u joogin min 8-dii Febraayo ilaa maanta.

Halkan hoose ka dheeho meelaha uu waqtiyadaa ku kala bixiyey:

A – Febraayo 8 ilaa Febraayo 16 – Rome, Italy.

B – Feb 17 ilaa Feb 20 – Addis Ababa, Ethiopia.

C – Feb 21 ilaa maanta – Abu Dhabi, UAE.

“MW waa waqtigiii aad guriga ku soo laaban lahayd Mudane Madaxweyne, dalkaagu wuu kuu baahan yahay.” Ayuu yiri qof faallo ka bixinayey safarradii bishan.

Hadalsame Media