Sheekada 2 dhallinyaro ah oo dad badan ka badbaadiyey weerarkii Xarunta Gobolka oo haatan soo noqotay (Mid la sheegay inuu dhintay)

0

(Hadalsame) 24 Feb 2023 – Waxaa beri dhowayd weerar kedo ah ay kooxda Al Shabaab ku qaadeen Xarunta Gobolka Banaadir ee ex Ufficcio Governo ee ku taalla Degmada Xamarwayne.

Waxaa haatan arrintaa mar kale soo qaatay Md Cabdullaahi Goodax Barre oo ah siyaasi ruug caddaa ah, kaasoo xusay laba wiil oo uu sheegay inay door ka qaateen badbaadinta dadkii rayidka ahaa ee halkaa lagu weeraray, isagoo aan sheegin inay wiilashaasi askar ahaayeen iyo in kale, balse ku gaabsaday inay dhallinyaro ahaayeen.

”Waa laba wiil oo dhallinyaro ah oo naftooda u hibeeyay shaqaalihii Gobolka Banaadir ee xaruntooda lagu soo weeraray horaantii bishii hore, sababna u ahaa in ay shaqaale badan goobta ka badbaadaan,” ayuu ku bilaabay.

Wuxuu soo jeediyey in wiilashaas oo loo sheegay inuu mid isla goobtaa ku dhintay arrintooda dib u eegis lagu sameeyo.

”Waxaa la ii sheegay Alle ha u naxariistee mid ka mid ah in uu shahiiday, midka kalana uu wali nool yahay. Maamulka Gobolka waxaa ku waajibay ficil abaalgud ah.

”Khawaarijta waqtigeedii wuu soo dhamaaday, waxaa noo muuqata Soomaaliya oo nabad, heshiis, dhaqaale iyo farsamo ahaan isku filan.” ayuu raaciyey waloow uusan magacaabin wiilasha.

Hadalsame Media