Dadka dowladda gar iyo gardarraba taageera oo sababtooda la ogaadey

0

(Hadalsame) 24 Feb 2023 – Qofku meesha uu dalxiis u tago, waxaa u muuqda quruxdeeda. Dadka magaaladaas ka xammaala ama faqrigu ku haysto quruxdaasu uma muuqato.

Qofkii dalxiiska ahaa wuxuu sawirro ka qaataa meelo aan dadka magaaladaas deggan micne gaar ah u lahayn. Markuu noqdo, wuxuu ka sheekeeyaa dhismayaal uu quruxdooda ka yaabay, dhir si fiican u baxday iyo dad wada faraxsan inuu soo arkay.

Markii madax aad is xijineyso ay dawladnimada ‘qabsadaan’, dhulkoo dhan ayaa kula qurxoonaanaya. Amarka ilaahay, dhismayaal aad waagii hore iska dhaaf-dhaafi jirtey ayaa cajaa’ib lagaa tusayaa.

Macdantii dhulka ku jirtey iyo kalluunkii badda ayaa mid mid kuugu muuqanaya. Madaxweynaha socodkiisa ayaad xallad iyo xarrago ay waddaninimo ku dheehan tahay ka arkaysaa.

Madaxweynayaashii hore inaanay socodka aqoon ayaad u qaadanaysaa. Waxa kuu muuqda inay dadkoo dhan u wada muuqdaan ayaad ku qancaysaa.

Lagaama dhaadhicin karo in Madaxdu qalad sameyneyso, mustaqbalkana Adiga waxba kaama gelin, Mucaaradku inay wanaaggaas oo dhan iska indha tirayaan ayaad ku dhaaranaysaa. HAA Ma waxaan lagu dhaaran baa.

Maalinta ay xukunka madax kale oo aad si un ku diidan tahay ay la wareegto, ayaa sidii qof dalxiis ah oo boorsadii lacagta iyo waraaqaha aqoonsigu ugu jireen laga xaday, dhulku kula madoobaanayaa.

Hal mar ayaa macdantii iyo dhulkii qurxoonaa qiic madaw kaa qarinayaa. Markaasaad nafta u sheegaysaa in musiibo dadkii oo dhan indhaha ka ridday ay Soomaali ku habsatay.

Waxaad ka sheekayn doontaa ‘maalmihii dahabiga ahaa’ ee waddanka soo maray, iyo in dadku ay iska khasaariyeen fursad wayn oo soo martay.

Waa taas wadaniyaddu guur guurtaa, ama waqti ay ku dhacdo leh “Date of expiry” ka, ee qofka Soomaaliga ah.

W; D: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media