Waa kee laacibka uu macallin Ancelotti u arko midka ugu ‘muhiimsan’ kooxdiisa? Isaga ayaa sheegay mana aha midka aad moodayso

0

(Liverpool) 22 Feb 2023 – Kooxda Real Madrid ayaa xalaytoole habeen aysan xusuustiisa jeclayn ku dhigtay kooxda reer Ingiriis ee Liverpool, taasoo ay 5-2 ku bahdishey iyagoo bugcadooda jooga.

Yeelkeede, waxaa jira laacib ay warbaahinta Spain iyo macallin Carlo Ancelotti ay isku raaceen doorkii libaax ee uu ka qaatay ciyaartii xalay oo uu isagu kusoo noqoshadeeda qayb ahaan bilaabay.

Vinicius Jr waxaa si gaar ah loogu xusay inta badan daabacaadaha maanta ee warqaadyada Isbaanishka, waxaana sidoo kale aad ula dhacay macallinkiisa Ancelotti oo ku tilmaamay xiddigga haatan ugu fiican dunida dhanka go’aaminta kulamada muhimka ah.

Macallinka Talyaanigu wuxuu sheegay in laacibkani aanu marna ka degin sheellaraha, isagoo marka laga yimaado labadii gool ee xalay, sidoo kale dhaliyey goolkii ay kula guulaysteen Champions League final-kii sannadkii hore ee ay ka qaadeen isla Reds.

“Vinicius wuxuu ahaa mid cajiib ah sida had iyo jeer,” Ancelotti ayaa yiri. “Waa ciyaaryahanka ugu ciyaar go’aamin badan kubada cagta adduunka maanta,” ayuu raaciyey.

“Ma jiro ciyaaryahan leh bandhiggaa joogtada ah. Ma istaago e wuu sii socdaa uun. Waxaan rajaynayaa inuu sidan ku sii socdo.” ayuu rajeeyey.

Hadalsame Media