Maraykanka oo musaafurinaya dadka sharci darrada ku gala (Dadka uusan saamayn doonin?)

0

(Washington, DC) 22 Feb 2023 – Maamulka MW Joe Biden ayaa ku dhawaaqay tillaabooyinkiisa xakamaynta xuduudaha Maraykanka, iyagoo soo saaraya qorshayaal KMG ah oo ciqaabi doona magangelyo-doonka kasoo tillaaba xadka ama ku guuldarraysta inay iska dhiibaan waddamada kale ee ay u sii maraan Maraykanka.

Yeelkeede, sida uu dhigayo sharciga cusub ee socdaalka Maraykanku, muhaajiriinta ka soo cararaya cadaadiska waxay codsan karaan magangalyada iyadoon loo eegin sida ay ku yimaadeen dhulka Maraykanka.

Xeerkan Madaxwayne Joe Biden, oo shaqayn doona wixii loo gaaro bisha Maajo oo dhacaya islamarkaana dhacaya laba sano kaddib, wuxuu xuquuqda magangelyo-doonnimo ka xayuubin doonaa qofka sharci darrada ku soo gala dalkaasi.

Sharcigani waxa uu u fududaynayaa DF inay masaafuriso dadka xuduudka ka gudba iyadoo dib loo celinayo oo xadka la gaynayo, walow ay kiisaskooda qaadi doonaan maxkamada socdaalku.

Ku dhawaaqidan wadajirka ah ee sharcigan u qaabka eg midkii Trump kasoo baxay waaxyaha Amniga Gudaha iyo Cadaaladda ayaa ah tillaabadii ugu dambaysey ee maamulka Biden ee looga gol leeyahay in lagu wanaajiyo rada Biden haddii uu markii 2-aad u tartamo dib u doorashada sanadka soo socda.

Kadib markii uu xafiiska la wareegey, Biden wuxuu bedeley oo meesha ka saaray qaar badan oo ka mid ah tillaabooyinka socdaalka ee maamulkii Trump, laakiin ballanqaadyadii Madaxwaynaha ee ahaa in la abuuro qaab nidaamsan ayaa waxaa hoos u dhigay muuqaallo soo noqnoqday oo fowdo ah oo soohdinta ka taagnaa iyo tirooyinka dadka  sida sharci darrada ah dalkaa ku gelaya oo kordhay.

Hadalsame Media