Golaha Amaanka oo ka hadlay horumarrada DF, dagaalka Laascaanood, midka Al Shabaab, heshiisyo muhim ah oo ay Puntland ka maqan tahay & Qaar kale

0

(New York) 22 Feb 2023 – Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Kiki Gbeho ayaa khudbad ku saabsan xaaladda Soomaaliya ka hor jeedisey QM, iyadoo fadhigii maanta uu halkudhegggiisu ahaa “Soomaaliya: Aragtida Haweenka, Nabadda iyo Amniga”.

Gbeho ayaa tiri ”Waxa aan ku faraxsan ahay inaan sidaas sameeyo iyadoo ay i weheliyaan Ergayga Gaarka ah ee dhowaan loo magacaabay Guddoomiyaha Komishanka Midowga Afrika, Ambassador Souef Mohammed El-Amine, oo aan si dhow u wada shaqaynno iyo Agaasimaha Fulinta ee UNWOMEN, Ms. Sima Bahous.

”Tan iyo kalfadhigii ugu dambeeyey ee Golaha Ammaanka ee Soomaaliya 7-dii Sebtembar ee sannadkii tegey, Dowladda Federaalka Soomaaliya – inkastoo caqabado badani jireen – waxa ay horumar la taaban karo ka samaysay dhanka horumarinta waxyaabaha mudnaanta u leh qaranka. Wadashaqayn dhow oo lala yeesho maamullada ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa socota, waxaa dib loosoo celeiyey dardargelinta dagaalka lagula jiro Al Shabaab, Soomaaliyana waxay weli ku socotaa wadadii ay ku dhamaystiri lahayd hannaanka dayn cafinta sanadka 2024-ka.

”Iyadoo la adeegsaayo kulamada joogtada ah ee Golaha Wadatashiga Qarank (MHQ), Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dadaal ugu jira sidii loo wanaajin lahaa xiriirka Dowladda Federaalka iyo Maamul-Goboleedyada ka midka ah Dowladda Federaalka, iyo sidii loo horumarin lahaa waxyaabaha mudnaanta u leh dhismaha dowladnimada.

Fadhiga QM ayaa lagu soo qaaday xaaladdii ugu dambaysey ee dagaalka Laascaanood ka socda, kaasoo bilowday 6-dii bishan.

”Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, waxaa weli ka socda dagaalladii ka dhacay 6-dii bishan Febraayo, waxaana ay sababeen baahiyo bini’aadminnimo oo sii kordhaya. Qiimayn deg deg aj ayaa sheegaysa in in ka badan 185,000 qof ay barakaceen, (kuwaasoo 89 boqolkiiba ay yihiin haween iyo carruur). Ugu yaraan 63 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay in ka badan 363 qofna waa ay ku dhaawacmeen. Waxaa socda dadaallada lagu joojinayo dagaalka, balse xaaladda oo ay ka mid tahay beegsiga kaabayaasha dhaqaalaha ayaa weli ah mid laga naxo. Waxaan jeclaan lahaa inaan ku celiyo hadalladii hore ee Qaramada Midoobey iyo saaxiibada caalamiga ah ee cambaaraynayey cunfiga, iyagoo ku baaqaya in xiisadaha siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, islamarkaana codsanaya  in gargaar bini’aadminnimo oo aan la carqaladayn loo geeyo si deg deg ah si wax looga qabto baahiyaha barakacayaasha iyo dadka ay dhibtu saamaysay,” ayay tiri Gbeho.

Gbeho waxay sidoo kale sheegtay in DF Somalia iyo maamulladu ay heshiis ka gaareen laba arrimood oo muhim ah.

”Shirkii Diseembar ee NCC, madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamullada ka tirsan Federaalka, marka laga reebo Puntland, waxay ku heshiiyeen qaab federaal ah oo ku saabsan awood qaybsiga iyo caddaaladda; Labadaas oo ah qodobbada muhimka u ah dhammaystirka dib-u-eegista Dastuurka. Puntland ayaa codsatay in waqti dheeri ah la siiyo si ay uga fiirsato mowqifkeeda ku aaddan arrimahan, waxaana ay waydiisatey in wadatashi dheeri ah lala sameeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaan ku dhiirrigelinayaa Dowladda Federaalka iyo Maamullada ka midka ah Dowladda Federaalka inay sii wadaan wadahadalka xayndaabka NCC si loo helo is afgarad ku saabsan ajendaha dhismaha dowladnimda,” ayay tiri.

”Al-Shabaab ayaa weli khatar wayn ku ah nabadda iyo ammaanka Soomaaliya. Sanadkii 2022-kii ayaa ahaa kii ugu dhimashada badnaa  dadka rayidka ah tan iyo sanadkii 2017-kii, iyadoo 60% ay sare u kacday waxyeellada rayidka marka loo eego 2021-kii. Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, Dowladda Federaalka ayaa horumar ka samaysay khatartaas iyadoo bartilmaameedsanaysa ciidamada iyo dhaqaalaha ee Al-Shabaab iyo sidoo kale sida ay u faafiyaan fikraddooda. Ciidamada Nabad Suggida Somalia oo lagu xoojiyey malleeshiyaad degaanka ah, kuwaasoo hawlgallo ka dhan ah Shabaab ka sameeyey degaano ka tirsan Hirshabelle iyo Galmudug. Howlgallada ayaa la filayaa in ay si tartiib tartiib ah ugu gudbaan degaannada kale ee Soomaaliya.” ayay raacisay.

Hadalsame Media