”Van Dijk anigaaba hadda ka fiican” – Daawo farxaddii Carragher ee murugada isu rogtey & Sida uu u arko Reds oo uu ku sheegay koox daallan + Video

0

(Liverpool) 22 Feb 2023 – Kooxda Liverpool ayaa waxaa guuldarradii ugu cuslayd taariikhda dhanka CL ku dhigtay kooxda Real Madrid oo 2-0 looga hormaray 5 ku sarriftay.

Daafacii hore ee Reds, Jamie Carragher ayaa si caro leh uga fal-celiyey is dhiibidda la yaabka leh ee Liverpool oo uu ku sifeeyey ”xaalad foowdo” iyo is ku dhex yaac ah kulankan looga adkaaday 5-2 defeat ay rubuc-dhamaadka lug ku dhigatay Real Madrid.

“Dhegeyso, marka hore waa inaan dhahaa Alla maxay ciyaar soo bandhigtay Real Madrid, inaad timaado Anfield oo aad sidaas sameeyso. Weligeey ma arag koox imanaysa Anfield habeen Yurub ah inta aan xusuusan karo, ee Liverpool sidaas u burburiysey,” ayuu ku bilaabay Jamie.

“Taasi waxay ahayd wax laga xishoodo oo ay samaysay Liverpool. Ceeb. Waxaan kooxdan u ceeb qarinayney. Waxa iga qosliya waa Virgil van Dijk. Waxaan u malaynayaa inaan hadda booskiisa geli karo daafac ahaan!” ayuu ku kaftamay Carragher.

Ciyaartoyda weerarka ee seddexda hore ayuu sidoo kale sheegay inay cadaadin daafaca kasoo horjeeda ama aysan lahayn isku xirnaantii ay lahaayeen [Roberto] Firmino iyo [Sadio] Mane, isagoo ka hadlayey [Darwin] Nunez iyo [Cody] ] Gakpo.

Jamie ayaa sidoo kale eeday farxaddii bilowgii markii ay Reds 2 gool uga hormartay kooxda Real Madrid.

Hadalsame Media