Saddex dabeecadood oo ay iskaga mid ka yihiin dadka Turkiga iyo Soomaalidu

0
MOGADISHU, SOMALIA - OCTOBER 18 : People open up a flag of Somalia and a flag of Turkey during an event to condemn the terror attack carried out by Al-Shabaab terrorist group on Saturday, which left more than 300 people dead, at Banadir Stadium in Mogadishu, Somalia on October 18, 2017. (Photo by Sadak Mohamed/Anadolu Agency/Getty Images)

(Liverpool) 22 Feb 2023 Sannadihii dambe waxaa sii xoogaysanayay xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya, labada waddanna dadkooda waxay sidii hore ka badan u booqanayeen dalalka saaxiibbada noqday.

Saldhig militeri oo wayn ayay xukuumadda Ankara ku leedahay Muqdisho, dowladda Soomaaliyana waxay ka caawisaa tababarista ciidanka qalabka sida oo lagu soo carbiyo gudaha Turkiga.

2012-kii, Turkish Arirlines ayaa noqotay diyaaraddii ugu horraysay ee caalami ah oo ka cago dhigatay garoonka Aadan Cadde tan iyo markii uu dhacay burburkii Soomaaliya.

Bulshooyinka adduunka midba wax ayay caan ku tahay marka laga hadlayo dhinaca raashinka iyo waxyaabaha la xiiseeyo.

Tusaale ahaan, Itoobiya waxaa lagu yaqaannaa canjeero loo yaqaanno “Daafi”, halka Kenya lagu xasuusto “Ugali”. Laakiin wali ma is waydiisay raashinka ay xiiseeyaan dadka Turkiga ah?

Haddii aad mar tagtay Turkiga fikrad waad ka haysataa arrimaha laga xiiseeyo dhinaca raashinka iyo cabitaanka.

Haddaba kuwani waa waxyaabaha ay sida wayn u jecel yihiin shacabka Turkiga, oo haddii qof ka mid ah uu kuu soo martiyo aad ku soori kartid.

Rootiga cusub

Waxaa suuragal ah inaad la yaabto ama aadan filaynin, balse rootiga qandaca ah ee markaas la dubay waa raashinka ay dadka Turkiga ugu jecel yihiin in ay ka billaabaan subixii, sida uu xogtan ku daabacay wargayska Daily Sabaax.

Qoysas badan oo reer Turki ah ayaa looga kallahaa si rootigaas subaxda hore loogu soo iibiyo. Meel kastana waxaad ku arki kartaa dukaamada oo aroorta hore aan laga waayin rootigaas qandaca ah.

Qaarkood xitaa marka ay shaqada sii aadayaan ayay horay usii qaataan rooti la mariyay waxyaabo kale.

Taas micnaheedu waa in haddii uu marti kuu yahay qofk Turki ah ama uuba saaxiib kula yahay aadan subaxa hore hilmaamin inaad meel u saarto rootigiisa isla maalintaas la dubay.

Lawska

Raashin kale oo ay Turkiga aad u jecel yihiin waa lawska iyo wax kasta oo laws ku jiro, sida kan la warshadeeyay ee rootiga la marsado.

Waa mid ka mid ah dabeecadaha ay caanka ku yihiin Turkiga, oo lagu tilmaamo dadka ugu badan ee xiiseeya lawska.

Waxay lawska ka dhigtaan mid ka mid ah raashinka fudud ee mar walba aan laga waayin guriga. Xitaa haddii waxyaabo kale lagugu marti qaado marka aad booqato, lawsku kama marna saxankaaga.

Waxay sidoo kale aad u jecel yihiin macmacaanka iyo cabitaannada laga shiido ee noocyada kala duwan leh.

Shaaha

Haddii aad horay u tagtay meel ka mid ah Turkiga waad ogtahay arrntan. Dad badan marka ay Turkiga tagaan waxay lasoo qabsadaan cabista Shaaha oo laga yaabo in aysan markii hore si wayn u danayn jirin.

Sababtu waa in Shaaha uu yahay mid qaddarin aad u wayn laga siiyo waddanka Turkiga, aadna looga jecel yahay cabitaankiisa.

Shaah cabistu waxay ka mid tahay astaanta reer Turki. Gaar ahaan waxay aad u xiiseeyaan Shaaha aan caanaha lagu darin ee loo yaqaanno bigays-ka.

Marka si loo eego, Shaah jacaylka waxaad mooddaa inay isku dhow yihiin Turkiga iyo Soomaalida.

Qof kasta oo Turki ah marka uu waaga baryo waxa uu maalintiisa ku bilaabo waa Shaah, ilaa uu gabalku ka dhacana ma joogsato shaah cabista.

Raashin kasta waxaa ku xiga ama la socda Shaah. Habeenkiina inta aan la seexanin ka hor waxaa lagu soo gabagabeeyaa koob shaah ah.

Si marka loo eego dabeecadahan way ka siman yihiin bulshada Soomaalida iyo kuwa Turkiga. Soomaalida ayaa aad caan ugu ah shaaha oo ay aad u isticmaalaan. Sidoo kale Lawska ayaa ka mid ah waxyaabaha ay inta badan xiiseeyaan bulshada Soomaalida, halka rootigana uu ka mid yahay raashinka joogtada ah ee Soomaalida.

BBC

Hadalsame Media